W3vina.COM Free Wordpress Themes Joomla Templates Best Wordpress Themes Premium Wordpress Themes Top Best Wordpress Themes 2012

Eng.Camey oo Amar ku Bixiyey in Ciidamo Daraawiish Ah Xangay la Geeyo.

Filed under: Wararka |

LaamigaMadaxweyne ku xigeenka,Ahna Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha  Dowlada Puntland Eng.Cabdixakiin Camey ayaa Taliyayaasha Ciidamada Daraawiishta Puntland amar ku siiyay in Ciidamo daraawiish ah la geeyo deegaanka Xangay oo ay isku Horfadhiyaan Ciidamo kasoo kala jeeda Degmooyinka Qardho iyo Waaciye.

Sida aanu warar xog ogaal ah ku helnay Ciidamadan ka socda dowlada Puntland ayaa noqon doona Ciidamo labada dhinac dhexdooda dega,iyadoona labada Ciidan ee dirirtu ka dhaxayso ay meelaha ay ku sugan yihiin joogi doonaan.

deegaanka Xangay ayaa waxa dhowr maalin ka hor ka dhacay dagaal Culus oo u dhaxeeyey Labada Ciidan,iyadoona ay ku dhinteen labo qof, halka Sadex kalena ay ku dhaawacmeen.

Deegaanka Xangay ayaa ah deegaan dhuldaaqsimeed ah(Miyi),isla markaasina aan ku haboonayn dhul deegaan Magaalo,sida ay sheegeen dadka deegaanka degmada Waaciye,halka kuwa Qardhood na ay ku doodayaan inay deegaankaasi Magaalo ka dhigayaan.

Dhanka kale waxa jira dhaqdhaqaaq ciidan oo ka jira deegaanka Xangay,halkaas oo ay ku qulqulayaan Ciidamo Gurmad ah oo Labada dhinac u kala Socda.

Sidoo kale waxa iyana lagu wadaa inay Kulamo amuurtaan la xariirta ay yeeshaan Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin.iyagoona ka wada hadli doona Colaada Sokeeye ee deegaanka Xangay ka Aloosan.

 

Shortlink:

Posted by on January 10, 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *