Eng.Aadan Yusuf Barre oo Ah Injineerka Dhisaya Wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo oo Ka Warbixiyey Dhismaha Wadada Baaqna Udirey Beesha Caalamka(Sawiro).

Filed under: Wararka |

Eng.Aadan Yusuf Barre oo Ah Injineerka Dhisaya Wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ayaa Ka Warbixiyey Dhismaha Wadada isagoona Baaq Udirey Beesha Caalamka.

Mashruuca dhismaha Wadada isku xirta Ceel Daahir-Ceerigaabo wuxuu ku salaysan yahay aragtida Horumarineed ee ah wax qabso.

Xukuumadda Puntland iyadoo ka Duuleysa kuna shaqayneysa Siyaasaddaas Waxay ku Baaqday in la bilaabo dhismaha jidka Ceel Daahir-Ceerigaabo shacbi iyo xukuumadbana laga qaybqaato.

Xukuumaddu waxay beesha Caalamka ka codsatay in ay gacan ka geysato dhismaha jidkaan oo leh muhiimad dhaqaale mid bulsho iyo mid amni intuba.

Madaxweyne Cabdiweli oo ay Weheliyaan Wafdigii Xildhibaan C/risaaq Jurille ee ka kala Socday Urur Goboleedka  IGAD,Dowlada TALYAANIGA,Midowga Yurub EU, DAWLADDA FEDERAL SOOMAALIYA  ah oo isugu jirey wasiiro,xildhibaanno iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa Booqday goob ay yaalin qaar ka mid ah qalabka wadooyinka lagu dhiso reer puntland u soo iibiyeen in lagu dhiso wadada Ceel Daahir-Ceerigaabo.

IMG_7271

Goobtaasi waxaa wafdiga ku soo dhoweyey  Gudoomiyaha Guddiga Dhismaha  Wadada  .Engineer Aadan Yusuf Barre isagoona ka Warbixiyey  dhismaha jidku halka uu marayo iyo meelaha ay uga baahan yihiin in laga caawiyo.

Wuxuu sheegay tirada Qalabka dhisamaha wadada loo baahan in ay tahay 52 Qalab Dhismeed Ah,haddana ay gacanta ku hayaan 12 qalabkaas ka mid ah.

Eng.Aadan Yusuf Barre Wuxuu Beesha Caalamka ka codsaday Qodobada Hoos ku Qoran:-

1.Afartan Qalab Dhismeed  ee ka dhiman qalabka dhismaha.

2.Laamigii Jidka la Saari lahaa. .

3. Kharajkii Howsha lagu fulin la haa.

Ugu Damayntii xog Hoose oo Warbaahinta Raadreeb.com ay  heshay ayaa Sheegaysa  in Beesha Caalamka ay ogolaatay Codsiga Eng.Aadan Yusuf Barre uu kasoo Gudbiyey Dhismaha Jidka Ceeldaahir iyo Caarigaabo.

Jidkan ayaa Muhiimad Gaar ah ugu Fadhiya Guud Ahaan Reer Puntland gaar ahaan Beelaha Axmed Harti(Dishiishe iyo Tiinle) iyo Warsangeli,kuwaas oo wada dega dhulka uu jidkani marayo.

IMG_7260 IMG_7262 IMG_7264 IMG_7265 IMG_7266 IMG_7267 IMG_7268 IMG_7269 IMG_7271 IMG_7272 IMG_7275 IMG_7277 IMG_7246

Comments/Fikirkaaga