Barcelona oo ku guuleystay koobka La Ligaha kadib markii 3-0 ugaga badisay Granada.

Filed under: Sports |

Weeraryahanka Luis Suarez ayaa u sahlay Barcelona inay ku guuleysato koobka La Ligaha xilli ciyaareedkan kadib markii uu saddexley ka dhaliyay Granada iyadoo horyaalkan uu yahay kii 24aad ee ay ku guuleysato Barcelona.Sidoo kale Suarez ayaa ku guuleystay abaalmarinta loo yaqaan Pichichi ee la siiyo ciyaaryahanka horyaalka ugu goolasha badan waxana uu dhaliyay 40 gool horyaalka La Ligaha.

14ka mid ah goolashana waxa uu dhaliyay shantii kulan ee ugu dambeysay ee ahaa kuwii lagu kala harayay tartanka horyaalka La Ligaha. Suarez ayaa abaalmarinta Pichichi ku guuleystay iyadoo tan iyo sanadkii 2009kii ay ku guuleysanayeen Messi iyo Ronaldo.

Barcelona ayaa xilli ciyaaredkan La Ligaha ku qaaday 91 dhibcood halka ay Real Madrid 90 dhibcood ka heshay.
Kooxda Barcelona ayaa loogaga digey in ay xafladayso habeenimada sabtida ee caawa sababo ammaan awgeed waxana xafladayntu ay dhacaysaa berri oo ah Axad.

Barca ayaa saddex kulan oo isku xigta guuldaro kala kulantay horyaalkan tan iyo sanadkii 2003kii waxaana xanuunka ku sii kordhiyay kadib markii ay Atletico Madrid ka reebtay horyaalka Yurub. Waxayna taas meesha ka saartay riyadii ahayd in saddex koob ku guuleysato.

Koobka loo yaqaan Copa del Rey ayay weli Barcelona taagan tahay kulanka ugu dambeeya hadii ay koobkan ku guuleysatana waxaa ka dabcaya murugada ka imanaysa toddobaadka soo socda garoonka Milan oo ah in mid kamid ah kooxaha ka dhisan Madrid uu kor u qaado horyaalka Yurub ee Champions League.

barca final (6)

barca final (5)

barca final (4)

barca final (3)

barca final (7)

barca final (2)barca final (1)

shaxda la ligah

Comments/Fikirkaaga