Maqaal:-Fadlan Ridwaan Saxardiid Caddaalad Ha-Hesho!

Filed under: Articles,Wararka |

Ridwaan Saxardiid oo Ahayd Gabadhii Lagu Xumeeyey Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug Waxa soo gaaray dhaawac  jireed  jinsiyeed  xis iyo  maskixiyan intaba  waxay soo xasuusan doonta gefka murugada leh ee loo gestay waxayse  dhawraysa  caddaalad falideenna.

Abaheed sida la ii sheegay mana waala mana miyir qabo wuxuna sidaas la noqday  murugada Inantiisa’ haddaba  maanta waxay marti u tahay  inay hesho caddaalad  dhab ah  waxayna  ka sugeysaa  dhammaan inta Garsoorka   ku shuquleh   sida Culumada, Cuqaasha, Bileyska,  dhalinyarada iyo saxaafadda.

Waa  dhacdo ugub  waana mid Ilaahay  nagu  eegayo sida aan  ugu caddaalad samayno  maanta  waxaa   caddaan doona qiimaha iyo sharafta Gabdhaha Soomaaliyeed leeyihiin  weliba   arrinta Ridwaan Saxardiid.

Diinta   Islaamku waa Diin Caddaaladeed, Magacyada  (Eebe) waxaa ka mid ah Alcadli oo  macneheedu yahay kii Caddaaladda badnaa”  siweyn ayey diinteennu u diidday dulmiga  fawaxishka  gabood falka iyo xadgudbka  Aadamaha)-waxaa kale oo jira wax  soomaalidu  u taqan   (ilhaamo)  taso ah   haddii caddaalada  laga leexdo in Ilahaamo ka dhalan karto Ilmadowga lagu xadgudbay,  xaqiiqdii  haddii  Caddaalad loosamayn waayo dhibanaha   wuxuu  caddaalad kaheli doona  xagga  Rabi)  laakiin  Ilhaamada  iyo cuqubadu  cidlo ‘aadi mayso ee waxay kusoo noqdan  halkii dulmigu ka dhacay). Waxaana ka dhalan kara arrimo  lagu ciqaabo dadka halkaas  dagan sida Abaaro, Colaado   Faqri, iyo dulmiga oo xad dhaf noqda..

Ridwaan waaa 17, jir  waa Gabadha Golodogb  lagu kufsaday laguna jirdilay  waa Gabar Soomaaliyeed waana Gabar Muslimada  waa  Gabar  cirdigeedii iyo Gabarnimaddeedii lagu xadgudbay  waxaana  falkaas  geystay Rag) Soomaaliyeed  ma ahan Ajanebiga nabad ilaalinta u joga Soomaaliya  mana ahan Goobtu  Magafe) iyo Liibiya  waa Goldogob)  waa  goob lagu yaqan kala dambayn  iyo maamul waa  Belad lagu yaqan kudhaqanka Diinteenna Suuban ee Islamka  weliba sida an   xog kuhelay  Arrinta Ridwaan waxay kujirta gacanta wax garad kala duwan waxaana   kasugeyna   in caddaalad ay hesho Inanta yar  ee mustaqbalkeedii gudka madow ay ku riden  damiirlawayaal midabka Rag uga’eg.

-Ridwaan Yey  Caddaalad ka sugaysaa Ridwaan?

Ridwaan, Maanta  waxay  caddaalad  iyo  garsoon caadila uga bahan tahay  laammaha kala gedisan ee Garsoorka Ummadda  sida  Culuma Awdiinka, Cuqaasha, Maxkmaddaha Dawliga iyo Saxaafadda  madax bannaan,  waxay caddaalad kasugaysa, xog oggaalka  arrinta  gacanta ku haya iyo  dhammaan  shaqsi kasta oo xil kasa.

-Culummada:-

Culumada Soomaaliyeed gar  ahaan  kuwa  Puntland    waa  inay si  aan gabasho lahayn   u caddeeyan xukunka  iyo ciqaabta ay mudan yihiin Dambiilayaasha Ridwaan ku xadgudbay  waana inay  ku dhiiradan xaqa  iyo xaquuqda Gabadhas leedahay  Shareecada islamka ayaa caddeysay dhammaan  wixii Alle Abuuray  dambiila kastana shareecadeena ayaa xad  siisay lagu jaa’isaynayo wuxuu galabsaday sidaas darteed Mashaa’iiqda Puntland  gar ahaan Degmada Goldogob waa ina  si cad u bayamiyaan xukunka Nimanka Ridwaan ku xadgudbay sharafteedii.

-Odayaal dhaqameedka Aagga Goldogob:-

Cuqaasha iyo Indheer garadka Gobolka Mudug waa inay arrinkan  isku meel uga soo jeensadan  dhammaantoodna ay  difacan  xaquuqda Gabadha dhibtu soo gartay  waana in  laga ilaaliyo arrinka  Ridwaan  Arrimaha xeer beegti iyo xeer Soomaali ee lagu soo dhaqmi jiray Qarnigii 18,naad  iyo ka hor  waana inay caddaalada mariyan damiir laawayaasha dambiilayaasha. Diirka iyo midbaka Ragga  uga .

-Garsoorka Dawlad Gobolleedka Puntland:-

Garsoorka  ama   Maxkamaddaha  Dawlad Gobolleedka  Puntland  Laammaha garsoorka Puntland  waa  inay  si  xaqiiqa  dhab ah   geesinimo leh  u qadaan dacwada Ridwaan oo leh caddeyno  markhaati ma doonta waa inay xukunka saxda ee  shareecadda islaku ku xukunto dhagar qabayaasha  ay fuliyaan  maxkmaddaha iyo Garsoorka Dawladdu.

ILaaliyaha Xuquuqda Mawaadinka:-

Bileyska Puntland  waa inuu  garab iyo gaashaan siiyo  dhammaan inta ku hawlan  sidii  sharaciga loo horkeeni lahaa  shanta Nin ee Ridwaan kufsaday  kuna xad gudbay  mawadinad Soomaaliyeed  Puntland ah  Amnigeeduna  waajib idinku yahay inaad ilaalisan.

Ururadda  Haweenka iyo  wasaaradda  Haweenka Dawlad Gobolleedka Puntland iyo tan Dawladda  dhexe ee  federalka  waa inay iska kaashadan sidii    caddaalada loo horkeeni lahaa  kuwa Ridwaan ku xadgudbay, ee dhagar qabayaasha.

Ugu  dambayntiina  Ummadda Soomaaliyeed  waa inay  isku meel uga soo wada jeensato  dambiilayaasha  Dadkeenna  Gabdhaheenna  iyo sharafteena ku xadgudbaya maalin kasta   waa  inaan manta   isku mooqof ka noqono  dhacdada  ugubka ee  ka dhacday Degmada Goldogob    tasoo ah inay shan  ama lix  Nin Gabar  Kufsi iyo  Jir dil u geystan  kaaga sii darane  ay  Fiidiyow  iyo sawiro iska qaadayan   iyagoo ku guda jira falka fooshax xun ee ay   kula kaceen Gabadha Soomaaliyeed.

 Cabdinuur Faarax Maxamuud.

Falanqeeye  arrimaha bulshada.

Cabdinuur Faarax  Maxamuud

Abdinuur02@gmail.com ama
guuleed72@hotmail.com.

Comments/Fikirkaaga