Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo Magaalada Laacsaanood ka Degay(Sawiro).

Filed under: Wararka |

Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxa duhurnimadii maanta ka degtay Diyaarad Siday Madaxweynaha Maamulka Khaatuma Cali Kahliif Galeyr iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa Diyaarad ka soo raacay dalka Jabuuti halkaasi oo ay kaga qeyb galayeen shirka wada hadalada Maamulka Khaatuma iyo Maamulka somaliland.

Qaban qaabada iyo soo dhaweynta Madaxweynaha Maamulka Khaatuma Cali Kahliif Galeyr waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka, Kan Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Cali Khaliif Galeyr loo diiday in uu ka dago garoonka diyaradaha ee Buuhoodle,hal kaas oo ay ku suganayeen Ciidamo Hubaysan oo si wan uga soo hor jeeda Cali Khaliif Galeyr iyo Xulafadiisa.

 

Comments/Fikirkaaga