Akhriso Taariikh Nololeedkii Alla Haw Naxariistee Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan.

Filed under: Articles,Wararka |

Waxaan Halkan Hoose kusoo Gudbinaynaa Taariikh Nololeed Kooban oo ku Saabsan Alla Haw Naxariistee Marxuum Ugaas Yaasiin Ugaas C/raxmaan.

Marxuum Ugaas Yaasiin wuxuu Ugaasnimada hayey 59 sano. Marxuum Ugaas Yaasiin waxa uu ku dhashay Magaalada Boosaaso, taariikhdu markay ahayd 1915.

Wuxuu waxbarashadiisii diinta islaamka ka bilaabay Magaalada Boosaaso, halkaasoo uu Xaafidil qura’aan uu ku noqday.

1935-1938 wuxuu waxbarasho u tegey Muqdisho oo uu ka dhiganaayey iskuul Talyaanigu ugu talo galay Ilmaha madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed, oo ahaa iskuul isbishaale ah ( Schola Speciale per I figli di capi Somnali).

 Sannadkii 1941kii Waxaa Ugaas Yaasiin Ugaas cabdiraxmaan loo caleemo saaray Ugaasnimada. Wuxuu ka mid ahaa halgamayaashii gobanimodoonka Soomaaliyeed.

1947dii wuxuu noqday Xaghayaha Xisbiga SYL ee Degmada Boosaaso.

1951kii Guddoomiyihii Magaalada boosaaso ee Talyaaniga u joogay wuxuu talo ku bixiyey in la dilo Ugaaska, oo markaas ahaa xoghayihii xisbiga SYL, Ugaasku markuu ka warhelay Arrintaas wuxuu u baxsaday dhinaca Waqooyi uu ka galay Ceelaayo-Ceerigaabo, Burco-Hargeysa. Magaalooyinkaas oo si fiican loogu soo dhoweeyey, kadibna wuxuu u gudbay xamar, waxaana lagaga hor yimid magaalada Jawhar. Ugaasku markuu xamar tegey xog-warran ayuu u jeediyey Golihii dhexe ee SYL, kadibna Dacwadoodii ayey UN-ka u gudbiyeen, UN-kiina waxay Talyaaniga culays ku saareen in dadka cadaadiska laga daayo, ammaanka Ugaaskana la sugo, markaas kadib ayuu Boosaaso kusoo laabtay waxaana loogu soo dhoweeyey si wanaagsan.

 1956-1959kii Ugaasku wuxuu ka mid noqday xubin baarlammaankii ugu horreeyey ee loo sameeyey dalka Soomaaliya (Daakhiligii), intii ka danbeysay wuxuu ka mid ahaa Baarlammaanka ilaa 1969kii. Xilligaas ka dib wuxuu ka shaqaynayey caanna ku ahaa Nabadaynta & suluxa Ummadda Soomaaliyeed, wuxuu kaloo caan ku ahaa astaan hoggaamiye dhaqameed iyo mid diineed, isagoo ahaa xaafidil Qur’aan kuna xeeldheer shareecada diinta islaamka, wuxuu ku hadli jirey Luqadaha (afafka) Carabiga iyo Talyaaniga.

1991dii Ugaas yaasiin allaha u naxariistee wuxuu ka mid ahaa Guddigii Odayaasha ee isu xil-saaray in ay kala dhex-galaan dhinacyadii ku dirirayey Magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa shakhsiyaadkii raadiyo Muqdisho kala hadlay ummadda Soomaaliyeed, isaga oo kasii daayey baaq nabadeed, habeenkaasna ka baaday gurigiisii, isaga iyo kuwo kale oo ka mid ahaa guddigaas.

Guddigaas odayaasha ee nabadaynta ummadda qaar ka mid ahaa ayaa naftoodii ku waayey sida:

Marxuum Xaaji Muuse Boqor (Allaha u Naxariistee) Marxuum xaaji xaashi weheliye( Allaha u Naxariistee),waxaa kaloo isla goobtaas ku dhaawacmay Marxuum Sheekh Maxamed Maxamuud (faruur) (Allaha u Naxariistee) oo guddiga ka mid ahaa & shakhsiyaad kale.

Dalalka uu maray waxaa ka mid ahaa Djibouti, Ethiopia, Kiinya Ugaandha, Tansaaniya, Yemen, UAE, Ciraaq, Syria, Urdun, Lubnaan, masar, turkiga, Baytul Muqdis inta aanu u gacan gelin Dawladda Yuhuudda, Jarmalka, Talyaaniga iyo dalka Maraykanka oo uu joogay 1963 markii lagu dilay Madaxweyne John F. kenedy.

Isku Soo Wada Duuboo Taariikh Nololeedkii Alla Haw Naxariistee Ugaas Yaasiin Ma Ahan Wax qoraal Hal Page-ka ka Kooban Lagu soo Bandhigi karo ee Waxaan Soo Dulmarnay Dulucda Taariikhdiisii oo Kooban.

Sidoo Kale Waxaan Halkan Ku Baaqaynaa Maadaama Ugaas Yaasiin uu Ahaa Halgamihii Magaalada Bosaaso ee Ilaa Xiligii Ururkii SYL in Garoonka Diyaarada ee Magaalada Bosaaso Loogu Magac daro Ugaas Yaasiin Internation Airpot iyo Weliba Dekeda Magaalada Bosaaso oo Loo Bixiyo Ugaas Yaasiin Internation Port-Bosaaso.

Ugu Danbayn Waxaan Cadeynaynaa in Dhulka uu ku Fadhiyo ee Laga dhisay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Bosaaso uu Bixiyey Alla Haw Naxariistee Ugaas Yaasiin,isagoona Muhiimadiisu ahayd in Baahidii Jirtay Looga Baxo, Majirto Sabab Loogu Magac dari waayo Dhulkii uu Isagu Bixiyey ee Waqaf Ahaanta uu u Bixiyey Xiligaas,Hadii Taas La Yeeli Waayo Waxa dhici karta Caro Sokeeye oo Sababi karta in uu Khalkhalgallo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Bosaaso oo Sanadkii Hore Xariga laga jaray.

Raadreeb.com-Bosaaso.

Comments/Fikirkaaga