Gudoomiyaha Nabadoonada Gobolka Bari oo Dawlada iyo Shacabka Puntland ugu Baaqay inay La Shaqeeyaan Dawlada Cusub ee Soomaaliya(Dhegayso).

Filed under: Wararka,Waraysi |

Gudoomiyaha Nabadoonada Gobolka Bari Mudane.C/qaadir Axmed Ibraahim(Xarago) ayaa ka hadlay Isbedelkii Guud ee Dalka Soomaaliya ka dhacay,gaar ahaan Doorashadii Madaxtinimada ee Dalka Soomaaliya oo dhowaantan ka dhacday.

Sidoo Kale Nabadoon Xarago ayaa Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland ugu Baaqay inay Dawlada Cusub ee Soomaaliya si dhow ula Shaqeeyaan.

Nabadoonka ayaa sidoo kale shacabka ugu Baaqay in Musuqmaasuqa Lala Dagaalamo iyo weliba Qabyaalada,lana midoobo.

Ugu Danbayntii Nabadoon Xagaro ayaa Shacabka Soomaaliya ku dhiirigeliyey inay Meel uga soo wada jeestaan Gumaysiga Qarsoon ee Dawlada Itoobiya ay ku haysta dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed,sheegayna Dhaqanka Soomaaliyeed inay Hormuud u noqon doonaan sidii Looga xoroobi lahaa Gumaysiga iyo Hagardaamada Itoobiya ay Soomaaliya ku heyso.

Halkan Hoose ka Dhegayso Waraysiga Nabadoon Xarago.

 

Comments/Fikirkaaga