Xildhibaan Faarax Bootaan oo u Geeriyooday Dhaawac kasoo gaaray Qaraxii Baabuurkiisa Loogu xiray.

Filed under: Wararka |

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo lagu magacaabo C/qaadir Faarax Bootaan ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax 8-dii bishan loogu xiray gaarigiisa, xilli uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa xaqiijiyay in Xildhibaan Bootaan uu ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Nairobi.

Waxaa lagu wadaa in meydkiisa loo soo qaaday deegaanada Puntland, si loogu aaso, waxaana socda qaban qaabo loogu sameynayo aaskiisa.

Marxuumka ayaa dalka Kenya loogu qaaday, markii xaalada dhaawiciisa ay cuslaatay, waxna looga qaban waayay gudaha Puntland.

Al-Shabaab ayaa horay u sheegatay mas’uuliyada qaraxaas, waxaana uu noqonayaa xildhibaankii u horeeyay oo ka tirsan Puntland oo lagu dilo qarax gaarigiisa loogu xiray.

Comments/Fikirkaaga