Agaasimihii Hore ee La Dagaalanka Burcadbadeeda Puntland oo ka hadlay Xilka Qaadista Lagu Sameeyey.

Filed under: Wararka |

Agaasimihii hore ee la dagaalanka burcad badeeda C/risaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) oo xalay Madaxwaynaha Puntand uu xilka ka qaaday ayaa maanta Shir Jaraa”id oo uu Garoowe ku qabtay   kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid tahay Xilka qaadistii madaxwayne Gaas ku sameeyey ,isagoo dalka ka maqan oo uu ku tilmamay dastuur jabin waxaa uu sheegay in xilku meerto yahay dhibna uusan u arag xilka qaadista balse waxuu sheegay in sharciga loo maro madaama maxwayne Gaas dibadda ku maqan yahay uu xilka qaadistii sharciyan uu xaq u lahaa madaxwayne ku xigeenka sida dastuurka Puntland qabo.

Ducaysane waxaa uu sheegay in loogu dow galay la dagaalanka kaluumaysiga sharci darada ah ee Soomaliya aafeeyey oo uu sheegay in uu dhowr jeer ka hadlay sheegayna hadii aan xal loo helin in uu soo laabayso burcad badeedii.

Shirkiisa jaraaid oo 30daqiiqo ku dhawaad qaatay waxaaa uu kaga sheekeyey wax qabadkii mudadii uu xafiiska joogay khilaafka isaga iyo madaxwayne Gaas oo uu ku eedeyey wasiiru dowlaha kaluumaysiga C/rixmaan Kulmiye oo uu sheegay in uusan ogolayn ka hadalka kaluumaysiga sharci darada ah isaga iyo shaqsiyaad kale oo uusan magacaabin ducaysane.

Ugu damayntii ducaysane waxaa uu daaha ka qaaday xogo badan oo aysan bulshada Puntland horay u ogayn oo ay ka mid yihiin maraakiib jiriif ah oo magacyada iyo calankii ay ku gooshayeen laga badalay isla markaana magacyo soomali ah loo bixiyey calanka soomaliyana lagu xiray.

Comments/Fikirkaaga