Reer Guuraa Reer Puntland Ah,kuna Ceyroobay Abaarta Jirta ayaa Soo Gaaray Kaamamka Barakacayaasha ee Magaalada Bosaaso(Video).

Filed under: Wararka |

Dad reer guuraa ah oo ka mid ah dadkii ku ceyroobay abaartii deegaanada Puntland ka dhacday ayaa Magaalada Bosaaso soo gaaray,iyagoona ku biiray dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan Kaamamka Magaalada Bosaaso.

Gudoomiyaha Nabadoonada Gobolka Bari Nabadoon C/qaadir Axmed Ibraahim(Xarago) iyo Xubno uu hogaaminayay ayaa Booqday Kaamamka ay dadkani ku sugan yihiin,iyagoona halkaasi kusoo bandhigay dadkan Abaartu Ceyraysay.

Dadkan ayaa Walaalahooda wax heysta ka codsanaya inay soo caawiyaan.

Sidoo Kale Nabadoon Xarago oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in La Isu gurmado,lana isu naxariisto,isagoona Baaq udirey Gudiyada kala duwan ee Gurmadka Abaaraha Soomaaliyeed.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaal Laga Soo Duubay Dadkan ku Ceyroobay Abaarta.

Comments/Fikirkaaga