Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Mahadcelin Ballaaran ujeediyey Maamulka iyo Shacabka Puntland.

Filed under: Wararka |

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku amaanay Puntland sida wanaagsan ay usoo dhaweysay dadka kasoo barakacay abaarta jirta.

Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Puntland ay muujisay wanaag iyo walaalnimo ayna uga mahadcelinayaan.

Waxaan ku bogaadinayna oo aan u mahad-naqeyna dadka walaalaheen ah ee shacabka Puntland iyo xukuumadooda,sida wanagsan ee ay usoo dhaweeyeen dadka abaarta ka barakacay.”ayuu yiri Maxamuud Xaashi

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa hadalkan ka sheegay xili uu booqasho ku marayo deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Qoysas badan oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland ayaa ku sugan deegaanada bariga ku yaalla ee Puntland halkaasoo dib u dejin loogu sameeyey.

Comments/Fikirkaaga