Isbitaalka Magaalada Cagaaran oo yeeshay Qalab Shaybaar oo dhammaystiran(Sawiro).

Filed under: Wararka |

Isbitaalka Magaallada Cagaaran  oo ka tirsan Gobolka Mudug  ayaa waxaa lagasiiyey, Qalab  Shaybaar iyo dawooyin) qalabkan waxaas isbitaalka ugu deeqay Gabdho degan Norway.

 Cisbitaalka Magaallada Cagaaran ee  Gobolka Mudug  ayaa yeeshay  markii  ugu horaysay Qalab Shaybaar oo casriya Qalabkan  ayaa waxaa  Isbitaalka soo garsiiyey  Gabdho! u dhaqdhaqaqa hormarinta Gobolka Mudug gar ahana  Deegaanka  Cagaaran.

 Caasha  Cabdillahi  Daafeed, oo looyaqaan (Samiiro) oo hormuud ka ahayd keenista Qalabkan ayaa  sheegtay inay daddaal dheer kadib   ku guuleysteen  Qalab shaybaar oo  dhamaystiran inay keenaan  Cisbitaalka  Cagaaran ee Gobolka Mudug qalabka ayaa wuxuu ka koban yahay dhammaan qalabkii lagu baari lahaa bukanada u bahda  shaybaar, waxaa kale oo weheliyey qalabka Dawooyin badan oo loogu tala galay Isbitaalka Cagaaran, qeybtiisa   dhallaanka iyo Hooyada.

 Magaallada  Cagaaran oo kamida  Magaalooyinka  hoos taga Degmada  Gaalkacayo  ayaan horay u lahayn  Shaybaar), noocaan oo kala  waxaana bulshadu dhib weyn  ku qaban dhanka barista  cudurada kala duwan, waxayna  u’ aadi jireen Gaalkacayo oo 30,mitir u jirta Cagaaran.

Bulshada Deegaanka  Cagaaran ayaa baahi weyn u qabay  inay helan Qalab  Shaybaar oo Magaalladu yelato, keenista Qalabkan ayaa wuxuu dabbooli doona baahidii  dhanka Baarista iyo cudurada, waxaana ka faa’iideysan doona bulshada Cagaaran iyo deegaanada hoos yimaada.

 Cagaaran oo kamida Magaallooyinka wayadan  dambe  aadka u dhismay ayaa  waxaa kajirtay  baahida qalabkan  hada ay keeneen Haweenka  Deegaanka Cagaaran ee dagan Waddanka  Norway.

Isbitaalka manta Qalabkan lakeenay ayaa waxaa horay dayac tir xooggan kusameyey Isla Haweenka Qurba jogta ee kasoo  jeeda Gobolka Mudug  gar ahan (Cagaaran),  waxaana hada la dhamaystiray Qeyb kamida  Isbitaalka},Cagaaran Siday noo xaqiijisay Caasha  Cabdullahi Daafeed, oo horseed u ahayd  qalabeynta iyo dib u dayac tirka Isbitaalka Cagaaran.

 Guddoomiyaha  Deegaanka Cagaaran Deeq Aadan Abshir) ayaa  aad  uga mahadceliyey  Hablihii keenay Qalabkan wuxuuna  bulshada kula dardarmay inay  ilaalsadan xallabka Shaybaarka oo ah  mid  baahi weyn u qabeen bulshada deegaanku.

 Guddoomiyaha  Cagaaran, Deeq Aadan Abshir ayaa  wuxuu   intaas ku daray inay bulshada Cagaaran kadhabaysaty  dardarankii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali (Gaas) ee  ku ‘aadana  in bulshadu isku tashato, wuxuuna intaas  raciyey  in bulshada Gobolka Mudug iyo guud ahan-baa Puntland ay kadhabeyan isku tashiga iyo is kaashiga dhanka hormarka iyo isku tiirsannanta.

Agaasimaha  Isbitaalka Cagaaran Digtoor Siciid  Qararac  ayaa  siweyn    ugu mahadceliyey Haweenka Qurba jogta ee Qallabkan Keenay kuna caawiyey bulshadooda, wuxuuna  intas ku daray  in Cagaran ay heshay xili aay baahi weyn u qabtay Qallab  Shaybaar, oo casiriya.

 Ugu  dambayntiina  Maamulka Deegaanka Cagaaran iyo dhakhaatiirta Deegaanka Cagaaran ayaa  sheegay in Magaallada Cagaaran ay hada  aad  ugu soo guuran dadka  Abaaraha kasoo guuray ee  Galbeedka  Gobolka Mudug iyo dhanka Bari ee Gobollka Doollo ee Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Comments/Fikirkaaga