Toos u Weydii Madaxweynaha Soomaaliya Su”aalaha Aad Qabtid Via Facebook or Twitter.

Filed under: Wararka |

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa maanta oo jimco ah bilowday Kulan Talo Wadaag ah oo Su’aalo lagu weydiinayo Madaxweynaha, gaar ahaan baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka Madaxtooyada.

“Madaxweynuhu wuxuu martigalinayaa kulan #TaloWadaag ah, waxaadna su’aalaha kusoo gudbin kartaan Twitter iyo Facebook”ayaa lagu yiri qoraalo la soo geliyay baraha bulshada Madaxweynaha.

Su’aal weydiintan ayaa bilaabatay saaka 9-ka subaxnimo xilliga Geeska Afrika, iyadoo ay ku egtahay 3-da galabnimo.

Kulanka Talo wadaag ee su’aal weydiinta Madaxweynaha ayay dadka fariimo ugu dirayaan baraha bulshada Madaxtooyada, sidoo kalena adeegsanaya Hashtag #TaloWadaag ama #TalkandTweet.

Sidoo kale waxaa barta Twitter-ka in Madaxweynaha uu su’aalaha ka jawaabi doono caawa, iyadoo illaa iyo hada dad ku dhow boqol ruux ay su’aalo weydiiyeen.

Hadaba waxaa la sugayaa jawaabaha Madaxweynaha ka bixiyo su’aalaha la soo weydiiyay oo qaarkood ah kuwo xasaasi ah.

 

Waxaan bilawnay inaan qabanno su’aalihiina oo caawa madaxweeynaha uga jawaabi doono kulanka . Fadlan soo gudbi, su’aashaadda.

Waxaad su’aashaadda kusoo gudbin kartaa adigoo isticmaalaayo , farriin-na waad noogu soo diri kartaa.

Comments/Fikirkaaga