Maqaal:-Dhibaatada Daabacaadda Lacagta Faalsadu ku hayso bulshada ku sugan Puntland.

Filed under: Articles,Wararka |

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu xukunka Puntland qabtay 8dii bisha January 2013,muddo bilo markuu xafiiska Madaxtooyada joogay, waxaa u yimid kooxo qurbajoog iyo ganacsato maafiya ah oo dal joog ah.

Laba kooxood waxaya madaxweynaha usoo bandhigeen qorshe ah in lacag la daabaco,iyagoo hordhigay Madaxweynaha tusaalooyin ay ku jirto faa’idooyin gaar ah iyo kuwa guud sida:

  1. In mushaarka shaqaalaha iyo ciidamada laga helayo iyadoo aynu ognahay in mushaharka aan la helin 50% intii Cabdiweli ,madaxweynaha ka ahaa Puntland.

Maxaa dhacay haddaba:

Waxaa dhacay in lacagta sarifka dollarka oo shanti sano ee Faroole ,xafiiska madaxtooyada Puntland fadhiyey aan wax Isbadel ah muujin ee ahaa 20,000/sh.so ilaa 22,000/sh.so=1$.

Hadda sarifku wuxuu gaaray 1$=30,000/sh.so halka maciiashaduna ay kacday xadi lamid ah inta sarifka dollarku kacay.

Arrintaas waxa ay keentay in dadweynihii ay daashadeen shaqo la’aanta iyo abaaraha dalka ku raagay,iyadoo ay u dheertahay xayiraada xoolaha laga saaray dalalka carabta ee loo iibgeyn jiray xoolaha(Sucuudi Careebiya iyo Imaaraatka) oo ahaa meelaha ugu badan ee xoolaheena loo iib-geeyo,Taasi waxay dhaxalsiisay fakhri iyo saboolnimo fogaatay.

Madaxweyne marka uu wafdiga ku marayo dalalka carabta ma xasuusto in uu kala hadlo xoolaha xayiraada ay saareen halka ay maskaxdiisu mashquulka ku tahay shirkaddo xooggaa dilaalo ah laga helo iyo raadinta maraakiibta jariifka Baddaha Puntland.

Haddaba xiligii uu xukunka hayey Gen. Cadde Muuse waxaa sidaas oo kale kooxo maafiya manaxayaal ah ula yimaadeen makiinad lacagta faalsada daabacda sida hadda dhacday oo kale waxaa cirka isku shareeray sarifka lacagta iyo maciishadii,dadkii danyarta ahaa ayaa noloshii aad ciriiri uga gashay,waxaa soo jeestay dadweynihii oo ay ugu horreeyaan culimadii oo Idaacadaha ka hadlay oo yiri waa xaaraan lacagta la daabacayaa maadaama ay dadweynihii dhibaato ku hayso,waana isla Culimadii kuwa masaajidka Al-Rowda fadhiya.

Culimada waxaan leeyahay maxaa labada faalso midna xalaal ka dhigay oo uga aamusteen midna xaaraan ka dhigay oo illaa aad Gen. Cadde u tagteen idinka iyo Issimada qeybtood oo ku khasabteen in uu joojiyo sameynta lacagta faalsada ahayd taasoo dadweynuhu illaa hadda abaal idinku hayo malaha waxaa la is oran karaa Culimada saami ayaa laga siiyey faalsada hadda la daabaco mise Boqorkii ayaa af-garan waayey orka iyo qeylada Culimada waxay ahayd saami naga sii lacagta faalsada.

Waxaa kale oo jirta in lacagta faalsada ah si gooni ah sariflayaasha qaar kamid ah oo jooga meel gaar ah loogu geeyo oo la yiraahdo wixii aad Doolar aragtaan qiimo kasta kaga qabta oo anagu Doolar ayaan idin ka rabnaa illaa 5,000/sh.so milyan kaga qabta.

Maxaa yeelay waxaa la rabaa in dadka lacagtooda waraaqo la daabacay oo lacag loo ekeysiiyey laga dhaco ,ogow kama socoto gobollada dalka ee Puntland ka baxsan,waxaana lagaga badeshay lacag adag oo dal iyo dibadba ka socota.

 

Cali Jaamac Warsame(Cali Xeef)                                                                                                Garoowe,Puntland

Comments/Fikirkaaga