Gudoomiyaha Gobolka Bari oo Tacsi udirey Qoyskii uu ka Baxay Marxuum Barkhad Cali Saalax(Dhegayso).

Filed under: Wararka,Waraysi |

Allaha u Naxariiste Waxa shalay  ku Geeriyooday magaalada Boosaaso ee Xarunta gobalka Bari Siyaasi marxuum Barkhad Cali saalax oo caan ka ahaa Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliyaba xilal kala duwana kasoo qabtay.

Siyaasi Barkhad Cali Saalax Geeridiisa waaxaa siyaabo kala duwan uga hadlay siyaasiyin,Aqoonyahano,Nabadoono,iyo isimo.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed wacays dhedo oo warbaahinta la hadlay ayaa si kooban uga hadlay  Taarikhda Barkhad Cali saalax oo ahaa Rug cadaa.

Dhinaca Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas ayaa tacsi u diray Qoyskii ,eheladi iyo Asxaabtii uu ka tagay marxuum Barkhad Cali salaax.

Halkan Hoose ka Dhegayso Gudoomiye Dhedo.

 

Comments/Fikirkaaga