Dowlada Norwey oo Aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga Ah Ee Soomaaliya.

Filed under: Wararka |
Dowlada Norwey ayaa ku dhawaaqday in ay aqoonsatay Baasaboorka Soomaliga ah gaar ahaan midka Diblomaasiga ah oo ay qaataan Madaxda Dowlada iiyo Siyaasiyiinta.
Dabayaaqada Sanadkan ayaa waxaa ay dowlada Norwey Soomaliya u soo direysa khuburo heer caalami ah oo arki  doona habka lagu bixiyo Baasaboorka Shaqaalaha ee ( Service Passport ) iyo baasaboorka shacabka ay qataan si ay dowlada norwey isagana u aqoonsato oo ay muwaadiniinta Soomaliyeed dal-ku galka ugu siiso
Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya G/sare Maxamed Adam Koofi¬†ayaa muddooyinki u damebyay waxa uu safari ku tagay qaar ka mid ah dalalka reer yurub oo uu kala hadlayay sidii ay u aqoosan lahayeen basaboorka Soomaliga ah.
Sido kale Agaasimaha Guud ayaa madaxda dowlada iyo dhamaan soomalida heysta Basaboorada Shisheeye ka codsatay in ay ku safraan basaboorka Soomaliga marka ay ku baxayaan magaca soomaliya ayna ka qeybgalayaan Shirarka Caalamka.
Comments/Fikirkaaga