Qadar:-Dad aan muslim aheyn oo Soomaay si ay gargaar ugu diraan Soomaaliya.

Filed under: Wararka |

Ilaa 410 ruux oo aan muslim ah aheyn ayaa la sheegay in ay Soomeen iyaga oo ka qeyb-qaadanaya gurmadka loo fidinayo dadka ay abaarta saameysay ee Soomaaliya.

Dadka aan muslimk aheyn ayaa la sheegay in mid walba oo ka mid ah uu ku deeqay lacag dhan QR200, iyadoo lacagta guud ee la ururiyay la sheegay in ay gaareyso QR90,000 oo lacagta dalka Qatar ah.

Hey’ad lagu magacaabo Hayat Plazza ayaa lacagta soo la soo ururiyay waxaana ay ku wareejisay hey’ad gargaarka ka shaqeysa oo ka dhisan dalka Qadar taasoo dhaqaallahan ku iibin doonta cunto iyo nafaqo loogu talagalay boqolaal kun oo qof oo Soomaaliya ku nool kuwaasoo wajahaya xaalad macluul ah gudaha dalka Soomaaliya.

”Bisha Ramadaan waa bishii wanaaga iyo wax bixinta, waxaana ay tallaabadan noqoneysaa mid ay dadka ku wadaagaan waayo aragnimada la xiriirta Soonka iyo walaalnimada”

Waa markii ugu horreysay oo aan dad muslimiin ahayn ay dalka Qadar ka aruuriyaan lacag ay ugu deeqayaan abaaraha ka jira Soomaaliya oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu cuslaa ee dalka soo mara.

Source:-Hiiraan.com

Comments/Fikirkaaga