Maqaal :-Baraarujin Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Filed under: Wararka |

Maqaal :-Bararujinta Dhalinyarada    Soomaaliyeed {BADSO}.

===========================

>Aqoon yahan bisayloo

>Bulshadiisa raba baa

>Badso qalin u qaatee.

>Adiguna bulshooy arag

>Dheego ha baal marin

>Bulsho waysku magacee

>Dhalintu u baab yahayoo

>Danohood bidhaansahaye

>Badso yey ku baal marin

 

Maqaalkan oon ugu tala galay una hadyeynayyo dhalinyarada somaliyeed meel kasta oo ay jogaan waxaan kaga hadlayaa danaha dhalinyarada iyo dawrkooda bulshada dhexdooda anigoo markasta xooga saari doona aragtiyaha togan

~Intaan mawdku ii iman

dhulka aanan hoos Marin

Maqaaliyo wixii mudan

Dadku inay marshaano

Maankoodu ku cayilo

Muran li’i inaan qoro

Maankaygu ii sheeeg

 

Dantaan ka leeyahay maqaalka ayaa ah inaan intii tabar ah u sameeyo dhalinta hagitaan dhanka togan ah tusaale iyo hiraalna u noqdo intii allaah iga solonsiiyo

 

 

Waxaan si gaara ugu mahad celinayaa hal_door Aqoon yahan

C /laahi khaliif daahir oo dhanka farsamada gacan weyn IGA siiyay mahadi haka gaartee

Casharka 1aaad

Dhalinyarada iyo Bulshada

Xiliga dhalinyaranimada

waa cimri soo mara bini aadamka waxana uu ka bilawda da’da 15—40sano ji

Marxaladda Dhalinyaranimada:-

Marxaladda dhalinyaranimada wa marxaladda ugu muhiimsan qofka cimrigiisa uuna kaga duwan yahay qofka kale waxayna leedahay muhimada gaara waxana ka mida muhimadaha gaarka ah

~Marxadda dhalinyaranimadu waa waqtiga awoodda iyo wax soo saarka

~waa marxadda ugu wanaagsan ee qofku ku raaxaysto cimrigiisa iyo waqtigiisa

~Waa waqtiga qofku ugu awood iyo fir fircooni badan yahay

Muhimadda dhalinyarada:-

-Dhalinyaradu waa tiirka umadda

-Dhalinyaradu waa awooda iyo ilbaxnimada umadda

-Waa sirta horu’marka umadda

-Waa naf hurayasha iyo bad baadada umadi ku faanto

~Aduunka dawladuhu waxay ma ka fa’idaystaan awooda dhalinyaradooda cilmi ahaan iyo wax soo saar ahaan maadama markooda horeba ay dhalinyarada jihayeen

*Islaamka iyo dhalinyarada

Islaamku marxaldaan cimri ahaan wuxuu siiya daryeel gaar ah

Xiliga dhalinyaranimadu waa khayrka/sharka si gaar ahaneed iyo so mguudba dhaliyarada laga dhaxlo

Taabiciyiinti rasuulka (scw)waxay ahayeen dhalinyara

U fiirso abuu bakar waxa uu rumeeyey nabiga scw isagoo jira da’da 38 sano

Cumur wuxuu soo islaamay isagoo jira 30sono

Boqollal dhalinyara ah oo kalena iyagoo marxaladaan ku jira ayay soo islaameen .

Waad garan kartaan wacdaraha ay ka dhigi jireen jihaadka lagu qaado gaalada dhalinyaradu waxaana ttmusaale kuugu filan dilkii gaalki weynaa ee abuu jahal waxa fuliyay laba dhalinyara ah oo u 16—-20 sano

Danaynta islaamku danayey qiimana u yeelay cunsurka dhalinyarada iyo mar xaladda dhalinyaranimadaba waxaa tusaale kuugu filan xadiiski nabiga scw ee ahaa

(Todobada harsan doonta maalinka aan har jirin carshiga alle weyne waxa ka mida nin dhalinyara ah oo Ku bar baaray diinta allaah swt )

Kaalinta Dhalinyarada:-

Dhalinyaranimadu waa xiliga ugu wanaagsan ee qofka mini aadamka ah soo marta waana xilliga uu kulansado fursado dhawr ha uusan mar kale kulansan karin fursadahaasina waxay kala yihiin tamarta.waqtiga.caafimadka

Culimada caafimaadku waxay tilmaamaan in hkrmoonada marxaladda dhalinyaranimadu aad u badan yihiina taasina ay ja qayb qaadanayso fir fircoonida dheeriga ah .hadaba waxa haboon inaan tilmaano hadii aynu ka heleyno dhalinyaranimada mawduucyo ay ka mid yihiin waqtiga iyo sida looga fa’idaystan karo

Abwaankii weynaa ee cismaan yuusf keena diid ayaa wuxu ku leeyahay maruu ka gabyay waqtiga:

Aduunyadu cawiyo maalin ways cirbinaysaaye

Cabaarkii yaree kaa tagaa waa cad kaa go’aye

Cimrigaan gabaabsiga noqdee sii ciriiryanayya

Camal falasho wixii aan ahayn kagama ciil beeshid

Bulsho kasta waxay horumar Ku gaartaa dhalinyaradeeda .Bulshooyinka horumaray waxa hubaala in ay leeyihiin dhalinyaro qiimo badan oo wadaniyad leh .

Hadii aan taarikhda dib u raacno halgamadii dunida ka dhacay waxa hurmuud ka ahaa dhalinyarada soda:

Halgankii islaaamka lagu faafinayay :waxa hormuud u ahaa dhalinyaro (Saxaabo) iyaga oo diinta islamka Ku faafiyay dhamaan dunida waqti yar oo kooban

Halgankii axmed guray :waxa sal dhig u ahaa dhalin yaro iyaga oo la garab taagnaa hiil iyo hooba naftoodana u huray inay soo ceshaan dhulka itoopiyaanku ka qabsadeen islaamka waxa ay ku guulaysteen in ay hogaamiyaan halgan adag oo lala galo gumaystihii xabashida waxa kale oo ay Ku guulaysteen inay diinta islaamka ku faafiyaan bariga Africa

Halgankii sayidka :Sida aan wada ognahay sayid maxamed cabdulle xassan oo ahaa halgamaa weyn oo somaliyeed waxa uu asaase u ahaa halgankii gobanima doonka ee somalia waxa uuna kula dirirayay gumaystayaashi dhulka somaliyeed qaybsaday waana ka wada war qabnaa sayid maxamed iyo daraawiish guulihii ay ka gareen dagaalkii gumaysiga lagula jiray

Halgankii leegada (SYL):sidoo kale waxa leegada SYL sal dhig u ahaa dhaliyaro iyagoo go’aansaday inay wadanka ka xoreyaan gumaystaha

waxaana ay yihiin tusaale dhaba oo loo baahan yahay in dhalinyarada somaliyeed casharro ka bartaan siday qabiilka iyo qabyaaladda xor uga ahayeen wadaniyadduna ugu waynayd iyo inay wadanka meel sare gaarsiyaaan

Waajibaaadka Saaran Dhaliyarada Soomaaliyeed:-

Dhalinyaradu waa xooga sababa is bedelka bulshada ku yimaada oo marna horu’mar Ku dhisan marna dib u dhac

jabhadihii ina bur buriyay waxay caadifad qabiil Ku kiciyeen dhalinyaro somaliyeed iyaga oo u horseeday dalkii bur bur baaba’ iyo dib u dhaca dalka Ku yimi

sidoo kle qab qablayaashii waxay adeegsanayeen waa dhalin u dhexeeya 20—25—35 isla markaana baabi’iyay maatida iyo dadka tabarta daran

Iyaguna waa tusaale kale oo dhanka taban ah muhiimna ay tahay inaynu wax ma baranno fa’idada dagaalka sokeeye inaysan dhaafsiisnayn ehelka xigaalada iyo deriska oo laysku diro maaahe

Wax yaalaha laga rabo maanta dhalinyarada Soomaaliyeed:-

Sida aan horay usoo sheegay dhalinyartu waa laf dhabarta bulshada

Somaliya hadii ay bur burtayna waxa hadda bad baadin karaa waa dhalinyaro waa dhalinyarta somaliyeed oo iskaashata oo barnaamijyo dhamaystiran dhigta iskana hilmaama qabyaalada iyo nin jeclaysiga raagaadiyay bulahadeena

waxana muhiima in kor loo qaado wacyiga dhalinta gaar ahaan iyo bulshada guud ahaanba

Waxa iyadana loo baahan yahay in meesha laga saaro mukhaadaraadka iyo dhalinta hubaysan ee u aftuuban kooxaha abaabulan ee qabaa’ilka ama urur diimeedka

Dhalinyarada wax Ku baratay ama Ku kortay banaanka waxa loo baahan yahay inay isa saraan masuuliyad gaara si wadankooda wax ugu qabtaan iskana war hayaan iyagoo samaynaya iskaashiyo caalamiya iyo iska war qab dhamaystiran oo dhanka aqoonta iyo hiigsiga fog ah isla markaana dajiyaan qorshayaal waaweyn oo Ku saabsan mustaqbalka fog iyo kan  dhawba ah

Caqabadaha Haysta Dhalinyarada:-

Inta badan dhalinyaradu waxa lagama maar man u ah inay helaan jihayn

Jihayntaaso ah dhanka aqoonta .hab fikirka iyo aragtiyaha togan .

iyo guud ahaanba noloshooda oo ay muhiim tahay in lagu jihayyo dhanka togan iyadoo laga hortagayyo wax kasta oo keeni kara in dhalintu yeelato saamayn dhanka taban ah

Hadii aynu fiirino caqabadaha haysta dhalinyarada somaliyed

1:Jihayn_la’aan

Waa sidaan horay u sheegaye jihayntu waxa asaas u tahay mustaqbalka dhalinyarada waxayna ka ilaalisa wax kasta oo togan.

Marka jihaynta laga hadlayaana waxay ka timaadda midda  1aad waalidka oo waalidku haduusan xaalada dhalaan nimada ilmaha Ku bar baarin dhaqan wanaag way adkaanaysaa in macalin iyo qaybaha bulshadu toosiyaan oo iyaguna saamayn ku leg jihaynta dhalaanka iyo dhalintaba

~Macalinka degaanka ilmuhu Ku dhaqan yahay iyo cidda uu la dhaqan yahay ayaa saameya jihaynta

~Nidaamka mesha ka jira ee maamul qayb ayuu ka qaada waa hadii qorshe uga degenyahay jihaynta dhalinta

2:-Fursad helid aqoneed oo yar

Aqoontu waa asaaska nolosha diini’ahaan iyo mid maadi ahba wayna adagtahay haddaysan dhalintu aqoon hellin inay horu’mar samayaan

sababtoo ah inaad horu’mar samayso ayaa waxa ka horeeya inaad badarto qaabka horu’marka loo sameeyo

Dhalinyarada somakiyeedna saamayn xoogle ayay Ku yeelatay fursadaha wax barasho oo gaabtay awgeed inay horu’mar iyo isbedel nololeed sameyaan

But burkii iyo dawlad xumidii ka danbaysay ayaana asaas iyo saldhigba u ahayd dhibaatada weyn ee soo gaartay  dhalinyarada somaliyeed

waxayna dhalintii noqotay kuwa u nugul ka qayb galka dagaalada sokeeye ee qaabka qabiilka u abaabulan.

3:Shaqo la’aanta:-

Shaqa la’aantu waa qayb ka ka mida caqabadaha haysta dhalinyarada somaliyeed waana tan keentay in in badanoo dhalinyarada ka midi ay wadanka iskaga tahribaan

Waxaana shaqa la’aanta lafteeda keenay

Dawlad la’aantii wadanka Ku dhacday

Daggaalada sokeeye

Bulshada oo colaadi dhex gashay

Xirfadii iyo aqoontii bulshada oo hoos u dhac Ku yimid

4:-Qabyaaladda:-

Qabyaaladdu waa qayb ka mida aafoyinka wadanka Ku habsatay waxayna ka mid tahay wax yaabaha ugu waaweyn oo keenay dib u dhaca Ku yimid dhalin yarada somaliyeed

Waxay asaas u ahayd kala aamin baxa bulshada iyo kala tagga dhalinyarada somaliyeed

waxayna horseeday dagaalo faraha lagaga gubtay  baaba’iyo but burka wixi hanti la haystay

Way adagtahay in maanta si fudud dhalintu isku aaminto oo wax u wada qabsadaan waayo waxaaba lagu ababiyay wiilka maanta 20jirka ah in deer hebel iyo reer gebel cadaw u yihiin

reer hebel iyo hebelna ay isku Cid yihiin muhiimna ay tahay inuu bulshada inteeda kale ka xigsado

Qabyaaldu ma aha wax dhalintu farahooda Ku keensaden waase wax uga timid banaanka iyo dadka duqayda ah

Si guudna waxa la tilmaaama in dadka somalida uu nidaamkooduba inta badan qabiilka ka dab qaato oo ay adagtahay in loo wada nolaado qaab bulsho iyo dad isku dhafan taa badalkeedana ay u degaan beel beel iyo sida ay abtirsiinyo ahaan isku xigaan

waana tan keentay in qabiilka iyo qabyaaladuba Ku xoganaato bulshada dhexdeeda

~Waa maxay Xalka Caqabadahaan Soo Xusnay ?

1: In la jiheeeyo dhalinta

Waxa laga yaaba in aad is weydiiso yaa jihaynaya

Si kooban haddaan uga jawaabao waa

A~ Waalidka

B~Masuuliyiinta goobaha aqoonta sida dugsiyada quraanka iyo kuwa maadigaba

T~Haldoorka bulshada sida {aqoon yahanka,Culimada ,iyo guud ahaanba wax garadka}

X~Dhalinta dhexdoodana waxa lagama maar maana inay la timaado isku tashi iyo is waansi si isbedel loo helo

kh~Qorshe cad oy la yimadaan dawladda dhexe iyo maamulada dalka ka jira

D~Qurba joogta somalidu dawr ayay Ku leyihiin inay qorshe ka dajiyaan siday dhalinta garab ugu siin lahayen si dhibkaan looga baxo

waayo waxay haystaan fursado badan oy dhalinta Ku caawin karaan

haday ahaan lahayd wacyi gelin tababar iyo kor u qaadidda moral kooda

F.G waxa aanan marna soon jeedinayn in hay’adaha iyo bulsha caalamka midna dhalinta somaliyeed garab siinayn Macquulna aysna ahayn in iyaga wax looga raaadsho.

Maqaalkan Waxa qoray:-Maxamed Abshir Yusuf(Buuxe).

 

Comments/Fikirkaaga