Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi oo ka hadlay Saameynta Sicir Bararka Soomaaliya(Dhegayso).

Filed under: Wararka,Waraysi |

Sicirbararka laga soo sheegayo qaybo badan oo Soomaaliya ah ayaa ku soo beegmaya iyada oo dalka ay ka dhaceen abaaro baahsan, sidoo kalena ay weli xidhan yihiin xoolihii Soomaaliya ay u iibgeyn jirtay debedda, taas oo dalka soo gelin jirtay lacag adag oo dollar ah.

Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi oo ka mida guddida Beeraha ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda haatan taagan iyo weliba saamaynta uu ku yeelan karo nolosha dadka saboolka ah, isaga oo baarlamaanka iyo xukuumaddana ugu baaqayn in ajandaha koowaad laga dhigto wax ka qabashada arrintan.

Halkan Hoose ka Dhegayso Waraysi uu Idaacada VOA Siiyey Xildhibaan Cumar.

Comments/Fikirkaaga