Ururka Hiigsi ee Magaalada Dalweyn oo Soo Bandhigay Waxqabadkiisa(Sawiro).

Filed under: Wararka |
Maamulka Ururka Hiigsi ee Xaruntiisu tahay Magaalada Dalweyn ee deegaanada Degmada Waaciye ayaa Kulan lagu  qabtay Xarunta Ururkaasi waxa lagu soo Bandhigay Wax qabadkii Ururka ee Lixdii Bilood ee ugu Damaysay.
Ururkan oo La Asaasay 01-06-2016 ayaa mudadii uu jirey waxa uu qabtay Shaqooyin kala duwan,kuwaas oo dadka deegaanka waxtar badan u lahaa.
Intii Ururku jirey waxay magaalada dalweyn ku tallaabsatay horumar baaxad leh,kaas oo ah dhanka Nadaafada,Wacyi gelinta Maandooriyada Qaadka,Wacyi gelinta,tahriibka ,Layrarka iyo Bilicda Magaalada oo Sare Loo Qaaday iyo weliba dhir kala duwan oo lagu beeray hareeraraha Jidadka Magaalada Dalweyn.
Ururkani Wuxu gebi ahaanba Magaalada Gudaheeda Asbuuciiba mar ka nadiifiyaa Qashinka,kaas oo halis ku ah Nolosha dadka iyo duunyadaba.
Sidoo kale waxa uu ururkani magaalada ka hirgeliyey Layr,taas oo magaalada aysan horey u lahayn.
Maamulka Ururka Hiigsi oo Warbaahinta Raadreeb.com la hadlay ayaa Jaaliyadaha Dibada iyo Maalqabeenada Magaalada Dalweyn kasoo jeeda ka codsaday inay gacan kusiiyaan horumarka uu ururkani wado,iyagoona ka codsaday inay taageero dhaqaale iyo mid agab-ba Jaaliyadaha iyo Maalqabeenadu Lasoo gaaraan Ururka Hiigsi oo u Taagan Horumarka Magaalada Dalweyn iyo deegaanada kaleba.
Isku soo wada duuboo Magaalada dalweyn ayaa xiligan waxa ka socda dhismayaal kala duwan,kuwaas oo bilicda iyo baaxada magaalada kor u qaaday.
Comments/Fikirkaaga