Magaalada Juurile oo Koronto Casri Ah La Gelinayo(Sawiro).

Filed under: Wararka,Waraysi |

Jiilka Sadeexaad ee Magaalada Juurile ayaa maanta bilaabay inay korontada Cadceeda ku shaqaysa geliyaan Magaalada Juurile,Taas oo wax badan ka anfici doonta Bilicda Magaalada Xiliyada Habeenkii Ah.

Baalihii ugu horeeyey ayaa maanta laga taagay Bartamaha Magaalada,iyadoona la arkayay dhalinyaro si iskood ah isu xilqaamay oo arintan ka shaqaynaya.

Mashruucan koronto gelinta Deegaanada Degmada Waaciye ayaa mudooyinkii deegaanada ka socday,iyadoona la oran karo waa horumar ay bulshadu sameysay,iyadoona Maamulka Puntland ka seexatay uu horey uga seexday.

Comments/Fikirkaaga