Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo si Sharciga Waafaqsan uga hadlay Lacagta Faalsada Ah ee Puntland Lagu Daabaco.

Filed under: Wararka |

Siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa si sharciga waafaqsan  uga hadlay Lacagta Faalsada ah ee Maamulka Puntland uu daabaco iyo weliba waxa dastuurka Dawlada Federaalka Soomaaliya uu ka qabo.

Halkan Hoose ka akhriso Qoraalka Siyaasi Cali Xaaji Warsame:-

Sida ku cad dastuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, qoddobka 54aad wuxuu caddeynayaa in awooda sharci ee la xiriirta in la daabaco lacag, mid hore iyo mid cusuba ay dastuur ahaan leedahay dowladda dhexe, sida Arrimaha Dibadda, Baasaboorka IWM ee aysan aheyn mid ay xaq u leeyihiin dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

Halkaan ka akhri:-

Qodobka 54aad. Kala Qaybinta Awoodaha
Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo:
A) Arrimaha
Dibadda;
B) Difaaca Qaranka;
C)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo
D) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda
iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumadda Federaalka.

Hadaba akhristow ma kula tahay in tallaabada maamuladda qaarkood ee ah in ay lacag daabacayaan, ka sokow dhibaatada dhaqaale ee ay u leedahay ganacsiga iyo dadka shacabka ah ee masaakiinta ah, ay sharci-darro tahay iyo ku-tumasho sharcigii noo dhexeeyey ee ay aheyd in la wada-ilaaliyo.

 

Comments/Fikirkaaga