Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Deegaanka iyo duur joogta Puntland oo xilkii Wareejiyey(Sawiro).

Filed under: Wararka |

Wasiir kuxigeenka cusub ee wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Mudane, Maxamuud Ciise Maxamed ayaa maanta xilkii kala wareegay Wasiir kuxigeenkii hore ee wasaarada Deegaanka Mudane, Faarax Cali Cabdi oo iminka noqday wasiir kuxigeenka wasaarada Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta DPL.

xaflada ay xilka kula kala wareegayeen labada Wasiir ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka Deegaanka Dr. Cali Cabdullaahi Warsame iyo shaqaalaha wasaarada Deegaanka.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska ayaa ugu horayn soo dhaweeyey wasiir kuxigeenka cusub ee wasaarada Deegaanka waxaana uu sharaxaad dheer ka siiyey habsami usocodka wasaarada isagoo sheegey in Wasaaradu ay ku baahsantahay dhamaan gobolada kaladuwan ee Puntland ayna shaqo baaxadleh hayso, Wasiir Cali Cabdullaahi Warsame dhanka kale wuxuu sagootiyey oo amaanay shaqadii ay soo wada qabteen wasiir kuxigeenkii hore ee wasaarada Deegaanka.

Wasiir kuxigeenkii hore ee wasaarada Deegaanka oo hada ah wasiir kuxigeenka wasaarada Howlaha Guud Mudane, Faarax Cali Cabdi ayaa amaanay shaqaalaha kaladuwan ee wasaarada Deegaanka oo uu sheegey inay soo wada qabteen shaqo aanan hagar lahayn waxaana uu wasiirkuxigeenka cusub u sharxay doorka iyo waajibaadka tastuuriga ah ee uu leeyahay wasiir kuxigeenku isagoo shaqaalaha wasaaradana ka codsaday in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan Masuulka cusub.

Wasiirkuxigeenka cusub ee wasaarada Deegaanka Mudane Maxamuud Ciise Maxamed ayaa intaas kadib sheegey in uu ku faraxsanahay inuu kusoo biiro wasaarada Deegaanka waxaana uu sheegey inuu sii wadi doono shaqadii wasaaradu ay haysay islamarkaasna uu tixgelin siin doono shaqaalaha la shaqaynaya, Wasiirkuxigeenka cusub ayaa intaas kadib la wareegay xafiiskiisa, waraaqihii iyo xogihii xafiiska wasiir kuxigeenka iyo Gaari khaas ah oo uu shaqada qaranka ku qaban doono.

Comments/Fikirkaaga