Dr.Maxamed Siciid Shabeelle oo Lagu Wado in dhowaantan Loo Magacaabo Maxkamada Sare ee Puntland.

Filed under: Wararka |

Dr.Maxamed Siciid Shabeelle ayaa lagu wadaa in dhowaantan  loo Magacaabo Xilka Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland oo xiligan ay shaqadeedu tahay mid aad u hooseysa,balse Dastuurku siinayo in awoodeedu dalka ugu sareyso.

Ilo xog ogaal ah oo Warbaahinta Raadreeb.com soo gaaraya ayaa sheegaya in Madaxda Maamulka Puntland Sida Madaxweynaha,Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku ay Magacaabista xilkan isku waafaqsanyihiin.

Sida Dastuurku qabo Marka Maxkamada sare Masuul cusub Loo Magacaabayo Waxa wadatashi ka yeesha Madaxda ugu sareysa Puntland,iyadoona markaasi ka dib Baarlamaanka loo gudbiyo oo ay iyagu Codka Kalsoonida siiyaan Masuulka ay markaasi soo gudbiyaan Madaxda Sare ee Dalka.

-Waa Kuma Dr.Maxamed Siciid Shabeelle?

Dr.Maxamed Siciid Shabeelle Waa Muwaadin aan dalka iyo dadka denbi ka gelin,isla markaasin mudo badan dalka iyo dadkaba usoo shaqeeyey.

-Aqoonta Dr.Shabeelle:-

-Dr.Shabeelle Waxa uu heerka Waxbarasho ee Dugsiga Hoose/dhexe iyo Sareba ku qaatay Degmada Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar,iyadoona intaasi ka dib uu dalka Hindiya u aaday Waxbarasho Jaamacadeed oo uu halkaasi kaga baxay Kulliyada Culuumta Siyaasada iyo Weliba Sharciyada.

Dr.Maxamed Siciid Shabeele waa Musuul xilal badan kasoo qabtay Maamulka Puntland Wasiir ku xigeenada Kala Ah:-

1-Wasarada Cadaalada Puntland oo uu Wasiir ku xigeen kasoo noqday.

2-Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga Ah.

3-Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Dhalinyarada.

4-Sanadii 2016 oo uu Duq Degmada Kasoo Noqday Degmada Bosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.

Sidoo kale Sanadii 2005 wuxuu isu sharaxay oo u tartamay Madaxweyne ku xigeenka Puntlan.

Isku soo wada duuboo Dr.Shabeelle ayaa ah Masuul hufan,kana soo dhalaali kara xilkan loo saadaalinayo in dhowaantan Loo Magacaabo,taas oo la rajaynayo in uu wax badan ka bedeli doono qaabka ay u shaqayso Maxkamada Sare ee Puntland,isla markaasina ka mid ah Sadexda Hay”adood ee dalka ugu Sareysa Sida Golaha Xukuumada,Golaha Baarlamaanka iyo Maxkamada Sare ee dalka.

Raadreeb.com-Garoowe.

Comments/Fikirkaaga