Maqaal:-Warbaahintu Waa Indhaha iyo Dhegaha Caalamka.

Filed under: Articles,Wararka |

Warbaahintu waa indhaha iyo dhagaha aduunka maanta taasi oo mar walba baahisa dhacdooyin kala duwan oo ka dhacaya meelo kala fog, taasi oo ah curiyaha nabada iyo horumarka. Dad badan oo aqoon u leh arimaha warbaahinta ayaa aaminsan inay si weyn uga qeyb qaadan karto dejinta khilaafaadka iyo dagaalada.

Harry S. Truman, Madaxweyihii 33rd ee dalka Mareykanka kaasi oo hogaanka hayey (1945–53) ayaa xaqiiqsaday in madaxdii sar sare ee Aqalka Cad ay aad u necbaadeen warbaahintii xilligaas iyagga oo ka baqayey dhaliilo kaga imaanayey Suxufiyiinta magac weyn ku lahaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu yiri mar uu arintaas ka hadlayey.

“Haddii aanay naftaadu u adkeysan karin kuleylka ama uumiga jikadda in aad ka baxdaa ka fiican.” Maanta warbaahinta waxaa looga baahan yahay inaysan noqon kuwa ganacsi ahaan loo adeegsado ama Suxufiga hadafkiisa koowaad uusan noqon helitaanka lacag shaxaad ah ( Sharuur) si warkiisa uusan sameyn ugu yeelan qofka siyaasiga ahna markii uu dan leeyahay ku meel gaarin.

Wariyeyaasha maanta waxa aan fikrad ahaan qabaa in ay yihiin kuwa mar walba dhibanayaal ah maadama ay ku shaqeynayaan marxalad adag iyagga oo ah difaacayaasha dadka aan hadli karin ama codkooda aan la ogoleen in la baahiyo, waxaana mar walba muhiim ah qofka suxufiga ah inuu leeyahay aqoon guud oo ah mid diini iyo maadi ah taasi oo u sahli karta baaritaanka xogaha kuwaas oo mar walba kuwa looga baahan yahay suxufiga.

Guud ahaan waxaa la isku raacsan yahay in hababka wararka loo diyaariyo ay ka mid tahay qeybaha ugu muhiimsan oo ah qaab xirfad ay ku kala hormarsan yihiin suxufiyiinta marka war la diyaarinayo iyadda oo saldhiga warkaasi u yahay 6 qodob oo kala ah maxay, xaggee, goorma, kuma, sabab iyo sidee.

Ugu dambeyntii, waa in suxufigu ahaado mid wax badan la socdo uusana aheyn mid baqdin ku jirto maadama war walba oo aad baahiso sameyn ku yeelan kara qolo gaar ah, kalana saaro fikradihiisa ama aragtidiisa gaarka ah iyo shaqada warbaahineed.

Qore.Abdiqani Gooni.

Comments/Fikirkaaga