Maqaal:-Nasiib Darro iyo Sharci Daro Puntland ka Jirta.

Filed under: Articles,Wararka |

Waxaa qoray Hon. Ali Haji Warsame

NASIIB-DARRO & SHARCI-DARRO

19-sano kadib, Puntland waxaa laga filayey in ay maanta joogto heer looga deydo xoriyatul-qowlka iyo ilaalinta xuquuqda qofka iyo bulshada waxayse mareysaa in lagu amro meheradaha iyo hoteelada in aysan qaban karin ama ogolaan karin shir siyaasi ah, waxayna u aqaansadeen in la qabto wax shir ah oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda mid ka hor imanaya amniga.

Waa sharci-darro warqadaasi, waxayna ka soo horjeedaa dastuurka Soomaaliya iyo kan Puntland, waxayna meel-ka-dhac ku tahay bulshaweynta Puntland iyo xaquuqda mawaadinka dastuurku ilaaliyey.

Sow ayaan-darro maaha in dowlad ku doodeysa in ay diyaar u tahay nidaamka xisbiyada badan ee dastuurka Puntland ku dhisan yahay ay qaado tillaabadaas caburinta ah, ee aysan reer Puntland marna u hogaansameyn.

Maxaa keenay baqdinta intaas le’eg ee ay dowladdu ka baqeyso in ay shacabku ka hadlaan siyaasadda, sow ma xusuustaan in caburinta shacabka hore loogu fashilmey?

Su”aalahaas kor ku xusan jawaabahooda Shacabka Puntland Ayaa Laga rabaa,

Comments/Fikirkaaga