Gaas iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Magaalada Bosaaso Kusoo Wajahan.

Filed under: Wararka |

Madaxweynaha Puntland Mudane.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maalinimada beri oo khamiis ah waxa lagu wadaa inay dib ugu laabtaan Magaalada Bosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha iyo Wafdiga la socda oo safar ugu maqnaa magaalada Kismaayo ayaa qabanqaabada soo dhoweyntooda waxa laga dareemayaa Magaalada Bosaaso,iyadoona amniga guud ee Magaalada  si weyn Loo adkeeyey.

Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa maalmahan inagu soo aadan qorshaynaya in Dekeda Magaalada Bosaaso uu ku wareejiyo Shirkada DP World,walow uu jiro kacdoon dadweyne oo wareejinta Dekeda Looga soo Horjeedo.

Raadreeb.com-Bosaaso.

Comments/Fikirkaaga