Imaaraadka Carabta oo kafaala qaaday dhaawacyada qaraxii Muqdisho.

Filed under: Waraysi |

Sida ay faafisay Wakaaladda Wararka WAM ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, hey’adda Bisha Cas ee Imaaraadka waxa ay kafaalo qaadaysaa daaweynta 100 dhaawac oo ka mid ah dadkii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxii ismiidaamin ee ka dhacay 14 October Isgoyska Zoobe “Isgoyska 14 October” ee Muqdisho oo sababay geerida iyo dhaawaca boqolaal.

Dowladda Imaaraadka waxa ay kale oo daawooyin si degdeg ah ugu diri doontaa Isbitaallada Soomaaliya, si loo xoojiyo awooddooda bixinta adeeg caafimaad .

Hey’adda Bisha Cas Imaaraat-ka ayaa ku talo jirta in dhaawacyada Muqdisho ay u qaaddo Kenya si loola tacaallo.

Sidoo kale hey’addu waxa ay muddo lix bilood ah daryeel u fidinaysaa 300 agoon oo waalidoonta ku waayay qaraxa , kadibna waxa ay ka mid noqon doonaan barnaamijka kafaalo-qaadidda agoomaha oo hey’addaasi ay ka fuliso 25 dal oo dunida dacalladeeda ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli wax jawaab ah ka soo saarin oo cadeynaya balanqaadka Imaaraat-ka , marka laga reebo in wargeysyada ka soo kala baxa Magaalooyinka Dubai iyo Abu Dhabi ay buun buuniyaan arrintan.

Comments/Fikirkaaga