Gudiga Doorashooyinka Somaliland oo Shacabka uga digay Inay Natiijo Been Abuur Ah Faafiyaan.

Filed under: Wararka |

Gudiga Doorashada Somaliland oo Warbaahinta la hadlay ayaa dadka shacabka ah uga digay in  marka codeyntu dhamaato natiijooyin been abuur ah la faafiyo, waxay ka digayaan inaan la khalkhalgelin natiijada Doorashada.

Inkastoo in la xirayo Baraha Bulshada marka codeyntu dhamaato ay Guddigu ka dalbadeen Shirkadaha Isgaarsiinta hadana waxaa ay sheegeen inaan loo baahneyn wax khaldan oo natiijada la xiriira si uun loo gudbiyo, guddigu wuxuu sheegay in natiijada kama danbeysta ah ay iyagu ku dhawaaqi doonaan.

Dhinaca kale Guddigu wuxuu ka hadlay in doorashadu u socoto si habsami leh illaa iyo hada.

Doorashada oo saaka subaxdii loo istaagay, waxaa codeyntu ku egtahay 6da makhribnimo , guddiga ayaa sheegay in ay sii shaqeyn doonaan illaa dadka safka ku jira hada qofka u danbeeya uu codeynayo.

Comments/Fikirkaaga