Ciidamada Amniga Puntland Oo Hawlgal ka Sameeyey Gobolka Bari.

Filed under: Wararka |

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxay hawlgallo dagaal oo ka dhan ah ururka  Daacish ka wadeen Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari, gaar ahaan aaga degmada Balidhidin iyo tuulada Beeliwacatay ee gobolka Bari.

Hawlgalladan ay ciidamada Puntland muddooyinkan dambe ka wadeen Buuraha Cal Miskaat iyo Cal Madow ee gobolada Bari iyo Sanaag ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo ay ciidamada Puntland kaga saaranayaan Al-shabaab iyo Daacish goobaha ay kaga sugan yihiin Puntland.

Ciidamada PSF waxay sii wadi doonaan hawlgallada lagu curyaaminayo khatarta kooxaha Al.shabaab iyo Daacish ee ku sugan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba.

Comments/Fikirkaaga