Duqa Degmada Ufeyn iyo Madaxda Ururka TYDO ee Magaalada Tisjiic oo Magaalada Bosaaso Kulan ku Yeeshay(Sawiro).

Filed under: Wararka |

Madaxda Ururka TYDO ee ka dhisan Magaalada Tisjiic ayaa Magaalada Bosaaso kulan kula yeeshay Duqa Degmada Ufeyn Mudane.Cali Jaamac Jibriil.

Kulankan oo ka dhacay Xarun Dalxiis oo ku taal Magaalada Bosaaso ayaa waxa looga wada hadlay Sidii Horumarka Magaalada Tisjiic ay isaga kaashan lahaayeen.

Waxa si gaar ah kulanka loogu lafaguray sidii loo midayn lahaa Dhamaan Ururada ka howlgalla Degmada Ufeyn iyo Tisjiic,iyadoona la iska kaashanayo Horumarka.
Sidoo Kale kulankan ayaa ahaa mid looga hadlayey Hirgelinta Nalalka qorraxda ku shaqeeya( Solar system) kaasi oo Maamulk Degmada Ufeyn iyo Ururka TYDO ka hirgelin doonaan Magaalada Tisjiic Jimcaha soo socda hadii Eebe Idmo.

Isku soo wada duuboo kulankan labada dhinac dhexmaray ayaa kusoo dhamaaday sidii loogu tallagallay,iyadoona la isla meel dhigay sidii horumarka la isaga kaashan lahaa,iyadoona lagu ballamay sidii lagu hirgelin lahaa qodobada kor ku xusan.

Raadreeb.com-Bosaaso.

Comments/Fikirkaaga