Gaas oo Degmada Xumbays Gudoomiye iyo ku xigeen u Magacaabay.

Filed under: Wararka |

Madaxweynaha Puntland oo Degmada Xumbays U Magacaabay Guddoomiye iyo Ku-xigeen.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 136 November 13 2017 ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah degmada Xumbays Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waayo
aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Tala soojeedinta Wasaaradda Arrimaha
Gudaha Dawladaha Hoose iyo
Horumarinta Reer Miyiga.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Axmed Yuusuf Cusmaan si ku meel gaar ah loogu
magacaabay Guddoomiyaha degmada Xumbays.

2.Waxaa Bashiir Maxamed Cali [Galla] si ku meel gaar ah
loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada
Xumbays.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Comments/Fikirkaaga