Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Booqday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe.

Filed under: Wararka |

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Boostada iyo Hiddaha Puntland Mudane. Cabdi Xirsi Cali Qarjab iyo Masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Yaasiin Cabdi Seed ayaa booqday Dhismaha Garoonka diyaaraha Caasimadda Puntland ee Garowe heer gebo gebo ah maraya.

Waftiga Wasiirka Warfaafinta oo u kuurgaley heerka uu maraya Dhismaha Garoonka ayaa kormeeray qaybtaha uu Garoonka ka kooban yahay oo ay ka mid ahaayeen dhabada diyaaraha, (Runway)ga xarunta diyaaraha laga hago iyo qaybta baabuurta la dhigto.

Mudane Cabdi Xirsi Qarjab Wasiir Warfaafinta ayaa arin lagu farxo ku tilmaamay in Maanta ay joogaan Garoonkii diyaaradaha ee Garowe oo dhamaad ah wuxuuna bulshada Puntland ugu baaqay in ay horumar ka Dalka ka socda ka qayb qaataan.

Puntland waxaa ka socda horumar baaxad leh oo ay ugu mihiimsan tahay dhisidda kaabayaal dhaqaale oo uu dalku yeesho.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ayaa noqonaya garoonkii Sadexaad ee ay Puntland yeelato,kaas oo la rajaynayo in uu qeyb ka noqdo kor u qaadis kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland.

 

Comments/Fikirkaaga