Rabshado ka taagan Hanaanka Shaqo ee Dekeda Magaalada Bosaaso.

Filed under: Articles,Wararka |

Dekeda Magaalada Bosaaso ayaa maalmahan waxa ka taagan rabshado salka ku haya Wareejinta Dekeda ee Shirkada DP World,taas oo sababtay in Maamulka Puntland iyo Ganacsatada Puntland uu khilaaf ka dhex qarxo.

Khilaafkan ayaa salka ku haya Lacago dheeraad ah oo lagu kordhiyey Canshuurta laga qaado Dabeecooyinka kala duwan ee kasoo dega kana dhoofa dekeda.

Kulan dhexmaray ganacsatada iyo maamulka puntland ayaa fashil kusoo dhamaaday.

waxa iyana kulan yeeshay isimada ugu tunka weyn gobolka bari iyo wasiiro xukuumada puntland ka tirsan,iyadoona uu fashil iyo isfaham waa kusoo dhamaaday.

Sidoo kale Shacabka Puntland ayaa sheki ugu weyn ka qaba sababta loosoo bandhigi waayay dadkana loo tusi waayay heshiiskii dhexmaray Shirkada DP World iyo Maamulka Puntland ee Dekeda Bosaaso,iyadoona sidaasi si la.mid ah shacabku uga caroodeen Shirkada Amal Express oo Qeybtii Canshuuraha ee Dekeda Bosaaso Lagu Wareejiyey wixii lacag ah oo canshuur ahna hada wixii ka danbeeya lagu shubi doono Shirkada Amal Express oo Madaxda Shirkadaasi ay Madaxweyne Gaas Isku Heyb yihiin.

Isku Soo wada duuboo Dekeda Magaalada Bosaaso waxay ka mid tahay Hantida ma guurtada ah ee Shacabka Soomaaliyeed ay ka dhaxleen Dowladii Alla How Naxariistee Maxamed Siyaad Barre,taas oo wixii xiligaasi ka danbeeyey Shacabku adeegsanayeen.

Raadreeb.com-Bosaaso.

 

Comments/Fikirkaaga