Baarlamaanka Puntland oo Wada Qorshe Xeer Loogu Sameynayo Gudiga Xalinta Khilaafaadka Puntland.

Filed under: Wararka |

Baarlamaanka Puntland Waxaa horyaal qorshe xeer loogu samaynayo Gudiga Xalinta khilaafka Soo xulista Barlamaanka oo uu horay u soo xuli jiray Madaxwaynu mudadii Puntland jirtay isla markaana Musharaxiinta madaxtinimada Puntland u tartamaya ay dood iyo diidmo ka keeni jireen iyagoo u arki jiray kuwo u xagliya Madaxwaynaha soo magacaaba isla markaana ka Reeba qof walba oo uu diidanyahay in uu ka mid noqdo barlamaanka Puntland murankaasi oo mararka qaarkood sababi jiray in musharaxiintu gudi kale magacaabaan walow ugu dambayn uu gudiga rasmiga ah noqon jiray midka madaxwaynuhu soo magacaabo.

Qorshahan cusub ee barlamaanku wado ayaa ilo xogogaal ah sheegayaan in uu sababay markii Golaha wakiiladu ogaadeen in doorashadii oo Sanad ka dhimanyahay Madaxwayne Gaas sii qorsheeyey raga noqonaya 7xubnood ee uu ka kooban yahay Gudiga Xalinta khilaafaadka soo xulida barlamaanka soo soo socda .

Xubno ka mid ah bulshada iyo Aqoonyahanka Puntland oo aan kala sheekaystay arintaan ayaa soo dhaweeyey in la sameeyo xeer lagu soo xulo Gudiga Xalinta khilaafkaadka barlamaanka si uu u noqdo mid sharci ah oo aan dood iyo saluugmo ka dhalan sidii horay u dhici jirtay marka xiliga doorashada la gaaro.

Comments/Fikirkaaga