Isimada,Nabadoonada,Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada Gobolka Bari oo Bosaaso Kulan Ku Yeeshay.

Filed under: Wararka |

Magaalada Bosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa Waxa kulan ku yeeshay Isimada iyo Nabadoonada Gobolada Karkaar iyo Bari iyo weliba Siyaasiin iyo Aqoonyahano.

Isimada kulankan ka qeybgallay ayaa waxa ka mid ahaa Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin,Burhaan Boqor Muuse,Beeldaaje Cali Faarax iyo Isimo kale,Siyaasiin iyo Nabadoono.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii Xal waara loogu heli lahaa khilaafka ka taagan Canshuurta lagu kordhiyey ganacsatada iyo Maamulka Shirkada DP World ee Dekeda Bosaaso.

Isimada,Nabadoonada,Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada ayaa si adag uga wada hadlay Khilaafkan ka taagan Dekeda Magaalada Bosaaso,iyadoona isimadu ay ganacsatada ka codsadeen in ganacsatadu ay soo dejiyaan Badeecadaha kala duwan ee Doonyaha saaran,iyadoona ganacsataduna ay shuruur ahaan usoo bandhigeen in Canshuurta sidii hore lagu soo celiyo sidoo kalena ay shirkada DP World Dekeda Isaga Baxdo.

Isimada Kor ku xusan ayaa Sidoo kale lagu wadaa inay kulamo noocan ah la yeeshaan Masuuliyiinta Puntland iyo Weliba Madaxda Shirkada DP World si ay ugu bandhigaan Cabashooyinka ganacsatada Puntland iyo Shuruudaha ay soo Bandhigeen Ganacsatadu.

Isku soo wada duuboo qaar ka mid ah ganacsatada Puntland ayaa qaba fikir ah inay iyagu bixiyaan Kharashka ku baxaya Ballaarinta Dekeda si Shirkada DP World oo ujeedkeeda Shaki la geliyey ay gebi ahaanba Dekeda uga Baxdo,Halka Maamulka Puntland uusan fikirkaasi raali ka ahayn maadaama ay horey uga qaataan Shirkada DP World Shan iyo Milyan oo Doolar,taas oo ay xaqul Qalam u qaateen.

Raadreeb.com-Bosaaso.

Comments/Fikirkaaga