Dr.Faroole oo Somaliland Ugu Baaqay inay Tuka-raq ka Baxdo.

Filed under: Wararka |

Madaxwaynihii hore ee Puntland Senator Cabdirahman Maxamed Maxamuud (Farole)  oo shirjaraaid Garowe ku qabtay ayaa ka hadlay dagaalka Tuka-raq isagoo Somaliland ugu baaqay in ka baxaan degaankaas dhinaca kalena Madaxwayne Gaas iyo Xukumadiisa uga digay in ay shacabka ku abaabulin dagaal aan ka dhab ahayn xili wakhtigoodii xilhayntoodu Gabo gabo yahay.

Hadalkan Dr.Faroole ayaa kusoo Beegmaya,iyadoona Shalay Madaxweyne Gaas uu Shacabka iyo Qurba Joogta ugu baaqay inay ka qeybqaataan Dagaal ka dhan ah Maamulka Somaliland oo sadex maalmood ka hor dagaal kula wareegtay Degmada Tukaraq oo kastam Canshuureed u ahayd Puntland.

Comments/Fikirkaaga