Daawo Soo Dhoweyntii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ee Magaalada Bosaaso(Sawiro).

Filed under: Wararka |

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo gelinkii dame ee maanta gaaray Magaalada Bosaaso ayaa si weyn halkaasi loogu soo dhoweeyey,iyadoona Kumanaan qof oo shacab ahi ay isugu soo baxeen hareeraha Wadada Laamiga ah ee Laga soo gallo Magaalada Bosaaso.

Madaxweynuhu Wuxu Safar kaga Soo Ambabaxay Degmada Qardho,waxaana soo dhoweyn qiimaheedu Sareeyo Degmada Waaciye Loogu Sameeyey,isagoona intaasi ka dib Safarkiisa kusoo hakiyey Degmada Carmo iyo Ceeldaahir ka dibna usoo Gudbay Magaalada Bosaaso ee Isha Dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa Shacabka Uga Mahadceliyey Soo Dhoweynta Qiimaha Leh ee ay u Sameeyeen.

Raadreeb.com-Bosaaso.

Comments/Fikirkaaga