Dowlada Qadar oo dacwad ka dhan ah Imaaraadka Carabta u Gudbisay Qaramada Midoobey.

Filed under: Wararka |

Dowladda Qatar ayaa cabasho ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyadoo ku eedeysay inay ku soo xadgudubtay hawadeeda.

Dacwadan ayaa waxaa gudbiyay Wiilka joogtada ee Qatar u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa cabashada u gudbiyay Golaha Ammaanka, isagoo sheegay in diyaarad dagaal oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay ku soo xadgudubtay Hawada Qatar.

Wakiilka joogtada Qatar u qaabilsan Qaramada Midoobey Alya Ahmed Al Thani, ayaa u gudbiyay dacwadan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres.

Waxaa uu ku eedeeyay Imaaraadka inay si cad ugu soo xadgudbeen dowladda Qatar, xuduudaheeda iyo amniga dhulkeeda, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah.

Fariinta Cabashada ee Qatar gudbisay ayaa lagu sheegay in dowladda Qatar ay qaadi doonto wax walba oo lagama maarmaan ah, si ay u difaacdo hawadeeda, xuduudaheeda iyo amniga Qaranka.

Wakaalada Wararka Qatar ee loo yaqaano QNA ayaa sheegtay in xadgudubka lagu sameeyay hawadooda ay dhacday 21-kii bishii December ee sanadkii hore 2017.

Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Bahrain ayaa horaantii bishii June ee sanadkii 2017 xiriirka u jaray dowladda Qatar, waxaana ay ku soo rogeen xayiraado ganacsi iyo in diyaaradaha Qatar aanay isticmaali karin hawadooda, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto Argagixisada, inkastoo dowladda Qatar ay beenisay eedeymahaas.

Comments/Fikirkaaga