Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo Qado Sharaf u Sameeyey Madaxweyne Farmaajo(Sawiro+Video).

Filed under: Wararka |

Halkan Hoose ka Daawo Sawirada Qado Sharaftii Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin uu ugu sameeyey Beerta Nasashada ee Rays-Bosaaso.

Ugu Horeyn Waxa Madasha ka hadlay Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo Madaxweynaha kusoo dhoweeyey Magaalada Bosaaso,ugana mahadceliyey Soo Booqashadiisa deegaanada Puntland gaar ahaan Gobolka Bari Bosaaso.

Sidoo Kale waxa isna madasha khudbad dheer ka jeediyey Madaxweyne Farmaajo,si weynna ugu Mahadceliyey Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin Soo Dhoweynta iyo Qada Sharafta uu u Sameeyey.

Bacdal Qado Madaxweyne Farmaajo Wuxuu adeeg u raadsaday Suuq ku dhexyaal isla goobta qado Sharafta Loogu Sameeyey.

Ugu Damayntii Madaxweyne Farmaajo Waxa la gudoonsiiyey  hadiyado kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Beeyo(Foox) oo caan ku yahay Gobolka Bari,kana mid ah Hadiyadaha ugu Qiimaha Badan ee qof lasiiyo deegaanada gacanka Cadmeed ku laala.

Halkan Hoose ka Daawo.


Comments/Fikirkaaga