Garoon Kubadeed-kii Ugu Weynaa Deegaanada Puntland oo Degmada Waaciye Laga Dhisayo(Video).

Filed under: Wararka |

Degmada Waaciye Ee Puntland Waxa laga bilaabay Dhismaha Garoonka Kubada Cagta lagu ciyaarayo oo Baaxadiisu dhan tahay Lix Kilo Mitir oo Isku Weer Ah.

Garoonkan Degmada Waaciye Laga Dhisayo ayaa noqonaya Garoonka ugu Weyn Deegaanada Puntland,waxana mustaqbalka la rajaynayaa in lagu qabto Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya oo Sanadkiiba mar la qabto iyo kuwa Gobolada Puntland.

Dhismaha Garoonkan ayaa Dhaqaalaha ku baxaya Waxa Iskaashanaya Jaaliyadaha Dibada,Maamulka Degmada Waaciye iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada Ee ku dhaqan Degmada Waaciye.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Garoonka Cusub ee Degmada Waaciye Laga Dhisayo.


Comments/Fikirkaaga