Madaxweynaha Soomaaliya iyo Kan Somaliland Oo Jabuuti ku Kulmaya(Dhegayso).

Filed under: Wararka |

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane.Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inay Magaalada Jabuuti ku Kulmi Doonaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in ay dib ufurmayaan wadahadalladii kala dhaxeeyay dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Shire oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu jiro qoshe shir furitaan u ah ambaqaadka wada hadallada labada dhinac, kaas oo ka dhici doono dalka Jabuuti, ayna isku arki doonaan Muuse Biixi iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Weli dowladda Soomaaliya kama hadal wada hadalladan uu wasiirku ka dhawaajiyay iyo kulan uu horey u sheegey in isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ay Addis Ababa isku arkeen.

Comments/Fikirkaaga