Agaasime Ducaysane oo Ka Hadlay Dooni Xeebaha Puntland Jiriif Ka Sameysay Oo Thailand Lagu Maxkamadaynayo.

Filed under: Wararka |

Agaasimihii hore ee la dagaalanka Burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed dirir ducaysane ayaa sheegay in doonta Kaluunka badan xaday ee Thailand maxkamadaynayso ay ka mid ahayd doonyihii dhowrka ahaa ee Puntland keentay dekada bosaso, iyagoo watay Calanka jabuuti oo been abuur ah dalkaasina beeniyey in uu masuul ka waa siduu hadalka u dhigay .

Ducaysane waxaa uu soo bandhigay qoraal wasaarada kaluumaysiga federalku doonyahaasi ka soo saartay xiligii wasaarada kaluumaysiga Puntland iyo Madaxwayne Gaas difaacayeen qoraalkaasi oo Puntland lagu faray in ay qabato oo maxkamadayso,balse ay shati ku abaal mariyeen ayuu yiri.

Inta badan Doonyaha Jiriifka ka wada xeebaha Puntland Waxa Saami ku leh kheyraadka la dhaco Madaxweynaha Puntland iyo Saraakiil ay isku heyb yihiin,kuwaas dalal shisheeye Qandaraasyo kaga soo qaata sidii Xeebaha Puntland gaar ahaan Kuwa Gobolka Bari Loo Xaalufin Lahaa.

Comments/Fikirkaaga