Ciidankii Wasiir Saleebaan Xagla Toosiye oo ku Biiray Puntland(Video).

Filed under: Wararka |

Ciidan ka Amar qaata wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland Wasiir Saleeban Ciise Axmed(Xagla Toosiye) ayaa  ku biiray ciidamada Maamulka Puntland.
Ciidankan ayaa tiradoodu gaareysaa Boqol iyo Lixdan  Askari, waxayna sheegeen inay gabi ahaanba isaga baxeen Ciidamada somaliland.

Inta badan Siyaasiyiinta iyo Ciidamada Kasoo jeeda Gobolada Sool iyo Ceyn ayaa marka xilal ama shaqo ay ka waayaan Maamulka Somaliland waxay usoo digo rogtaan Dhanka Maamulka Puntland Halka Kuwa Puntland Xilalka ka waayana ay u digo rogtaan dhanka Maamulka Somaliland,iyagoona marka hargaysa lagu soo dhoweeya sheega inay Ictiraafka Somaliland ka maqan ay wax ka raadin doonaan.

Comments/Fikirkaaga