Wasiirka Dekedaha iyo Kan Amniga Puntland Oo Booqday Dekeda Macmalka Ah Ee Bosaso(Sawiro).

Filed under: Wararka |

Wasiirka Dekedaha,Gaadiidka Badda Iyo La dagaalanka Burcad Badeeda Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage Ayaa Booqday Dekeda Macmalka Ah ee La dhisayo halka ay kusoo caariday Doonta Xafiis,halkaas oo si weyn Loogu soo Dhoweeyey.

Wasiir Raage ayaa Booqashadiisa Dekeda Macmalka Ah waxa ku weheliyey Wasiirka Amniga Puntland Mudane.Axmed C/laahi Yusuf iyo Weliba Gudoomiyaha Gobolka Bari Mudane.Yusuf Maxamed Waceys Dhedo.

Wasiir Raage Waxa uu Warbixin ka dhegaystay gudiga dhisaya dekedan Macmalka Ah Ee Lagu Badbaadinayo Hantida Saaran Doonta Xafiis,isagoona si kal iyo laab ah ugu Mahadceliyey.

Badbaadinta Hantida Doonta Saaran ayaa Waxa iska kaashanaya Wasaarada Dekedaha,Maamulka Gobolka,Kan Degmada iyo Qeybaha kala Duwan Ee Bulshada gaar ahaan Ganacsatada,waxana lagu rajo weyn yahay in xili dhow la bilaabo Dejinta Hantida Doonta Saaran.

Comments/Fikirkaaga