Dawlada Soomaaliya oo Ciidamo ka Qoranaysa Gobolka Sool.

Filed under: Wararka |

Dawlada Federalka Somalia ayaa deegaano ka mida gobolka Sool ka bilowday qorista Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Dawlada Federaalka Somalia ayaa ka bilowday maalmihii u danbeeyey inay qorato Askar ay u qaadanayso inay ka mid noqdaan Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed deegaano ka tirsan gobolka Sool .

Wararka ayaa sheegaya in ay yihiin deegaanada ay ka qoronayso Ciidamada ay yihiin Deegaanada Horufadhi , Ceegaag , Shululux Geed Xamarka Carrawayn Yeyle.

Waa markii ugu horeysay ee Dawlada Dhexe ay ciidamo ka qorato Gobolka Sool,xili gobolka ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxaysa Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Comments/Fikirkaaga