Aqalka Sare Ee Soomaaliya Oo ka Dooday Gobanimada Iyo Madax Banaanida Soomaaliya.

Filed under: Wararka |

Kulanka maanta ee xubnaha Aqalka Sare ayaa waxaa looga doodi doonaa dhowr Ajande waxaana ugu weyn xeerka dhowridda gobonimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya kaa oo shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka meel mariyeen islamarkana dalka looga mamnuucay Shirrkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isutagga-Imaaraadka Carabta.

Xildhibaannada Aqalka sare ayaa laga sugayaa in ay ansixiyaan xeerka oo kaddibna loo gudbin doona madaxweynaha.

Dhinaca kale Xubnaha Aqalka Sare ayaa daba gal ku sameyn-doona wweerarkii bishii December ee sanadkii 2017da lagu qaaday Guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid.

KODAK Digital Still Camera

 

Comments/Fikirkaaga