Golaha Wakiilada Somaliland Oo go”aankii Baarlamaanka Soomaaliya gardaro ku Tilmaamay.

Filed under: Wararka |

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku sheegay Go’aankii Barlamanka Soomaaliya gardarro cad, isla markaana dowladda federaalka Soomaaliya faragelin qaawan ku hayso deegaannada Somaliland.

“Wuxuu golaha wakiilladu si buuxda u cambaareynayaa go’aankii gardarrada iyo sharcidarrada ahaa ee Golaha Shacabka ee dowladda Soomaaliya ka soo saaray dekadda Berbera, sidoo kale, wuxuu Goluhu si xooggan u cambaareynayaa faragelinta qaawan ee ay dowladda Soomaaliya ku hayso madaxbannaanida iyo qarannimada Somaliland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Wakiillada Somaliland.

“Goluhu isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, wuxuu si buuxda u ayidayaa maalgashiga khayraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, si loo xaqiijiyo kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurista iyo nolosha bulshada guud ahaan” ayaa sidoo kale qoraalkan lagu yiri.

Baarlamanka Soomaaliya Ayaa Shalay Dalka ka Mamnuucay Shirkadda Dp World.

Comments/Fikirkaaga