Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Xaruntii ugu ballaarneyd ee Gobolada ka hirgelisay Garowe.

Filed under: Wararka |

Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda federalka Soomaaliya ah ayaa xafiiska ugu balaaran ee gobolada ka hirgeliyay Magaaladda Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Xaruntan cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Laanta Garowe ayaa noqon doonta xaruntii ugu ballaarnaa ee laga furo meel ka baxsan magaalada Muqdisho, waxaana ay qaban doontaa adeegyada bixinta Baasaboorada.

Intii ay socotay howsha diyaar garowga xaruntan cusub ayaa waxaa hakad ku yimid howlihii qaadashada baasaboorka, waxaana sabab u aheyd in xafiis cusub loo guurayay, maadaama horay loogu shaqeynayay guri gaar loo leeyahay oo kiro ahaa.

Xarunta cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ka hirgelisay magaalada Garowe ayaa ah fariin muujineysa in adeegyadii dowladnimo la gaarsiiyay gobolada, halkii dadka Soomaaliyeed ay Muqdisho ugu imaan jireen qaadashada Baasaboorada.

Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Koofi ayaa muddooyinkan ku howlanaa ballaarinta Xafiisyada Socdaalka, waxaana uu muujiyey dadaal weyn oo loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa xafiisyo ku leh gobolada dalka, gaar ahaan xarumaha maamul goboleedyada dalka.

Comments/Fikirkaaga