Maxkamada Darajada Kowaad Ee Magaalada Garoowe Oo Mushahar La”aan u xiran.

Filed under: Wararka |

Maxkamadda Garowe ayaa xiran oo aan shaqayn sabab la xiriira dhaqaale sida ay noo sheegeen dad xogogaal ah.

Maxkamada darajada 1aad iyo 2aad ayaa shaqada u joojiyey mushahaar la’aan mudo taagnayd oo cabashadeeda la gaarsiiyey Barlamaanka iyo Madaxwaynaha Puntland .

Masuuliyiinta maxkamada darad 1aad iyo Maxkamada sare oo aan xiriir la sameeyey ima suurta galin in aan helo hase ahaate masuuliyiinta maxkamada sare ayaa sheegay in ay war ka soo saari doonaan xirnaanshaha maxkamada oo aan shaqayn ilaa khamiistii la soo dhaafay.

 

Comments/Fikirkaaga